![]() |
||
|
|
||
|
Qarax ay ku dhinteen 2 laba qof 7 kalena ku dhaawacmeen ayaa kadhacay Shaneemo kutaal Bartamaha magalada Gaalkacyo.
Jun,3,2008 www.Hobyoradio.com
Qarax xoogan oo Bam gacmed ah xalay ka dhacay Shaneemo ku taala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug ee ay ka arimiyaan labada maamul ee Galmudug iyo Punlaan.
Qaraxan ayaan la ogayn cid gaysatay ayadoo loo malaynayo dad kacaraysan shaneemada oo laga daawado Filimo xun xun sida dadka qaarkii sheegayaan. 2 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen ayadoo dhaawacii loola cararay isbitaalka Guud ee K/Gaalkacyo Galmudug, dhaawaca ayaa lagu soo waramayaa inuu qaarkood aad u liito halka qaarna uu soo gaaray dhaawac fudud ayagoo u badan dad dhalinyaro ah shaneemada daawanayay. Goobta qaraxu kadhacay oo ah wadnaha magaalda Gaalkacyo ayaa ahayd meel ay dadka labada dhinac ku wada caweeyaan islamarkaana ay ka wada arimiyaan labada maamul ee Galmudug iyo Punlaan, Ciidanka Booliska Galmudug ee qaybta Horumar ayaa islamarkiiba goobta gaaray ayagoo kala diray dadkii isugu soo baxay Qaraxa Shaneemada. Maamulka Punlaan iyo Galmudug ayaa baaritaano ku jira ku aadan cida falkan gaysatay iyo sababaha loola jeeday ayadoo Qaraxan oo kale wali aanu kadhicin magaalada Gaalkacyo. Max'ed Maxamuud ( max'ed Yare) Gaalkacyo, Galmudug State Madaxweynaha Galmudug Max'ed Warsame Cali Kiimiko oo lasoo dhaweynayo
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||