Maamulada Galmudug iyo Punlaan  oo shir yeeshay ay oga wada hadlayaan qaybsiga dhaqaalaha  Airpoorka Magaalada Gaalkacyo.

Jun,3,2008  www.Hobyoradio.com

Maamulka Galmudug iyo Punlaan oo isku qilaafsanaa awooda xaafada Horumar iyo  qaybta dhaqaalaha kazoo baxa Airpoorka magalada Gaalkacyo ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Iskuulka Umadda ee bartamaha magaalda Gaalkacyo.

Qilaaf  kadhashay xaafad ay ka taliyaan maamulka Galmudug oo ay Xafiis ka furteen  maamulka  Punlaan ayaa dhaliyay in ciidamada Galmudug ay Gantaalo ku garacaan Airpoorka magalada Gaalkacyo, kaasoo xirnaa mudo 3 maalmood ah ayadoo labada Maamul ay isla garteen  in la  wada hadlo, islamarkaana Galmudug ay Ciidanka ka dul qaadaan Airpoorka si howlihii Airpoorka loo bilaabo.

Kulanka maanta  dhacay ayaa waxaa oga qayb galay dhanka Galmudug kusimaha madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane Max’ed Salaad Du’aale, Gudoomiyaha 1 ee Baarlamaanka  Mudane Xasan Macalin Yusuf, Taliyaha Guud ee Ciidanka Galmudug  Col. C/llaahi Cambarre, Gudoomiyaga degmada Gaalkacyo Mudane Xuseen Cabdille Aw Cali, Duqa magaalada Gaalkacyo Mudane Siciid Salaad Cilmi (Siciid Bul Bul), Taliyaha Qaybta Booliska Col. Max’ed Nuur Cali Gadaar. Xildhibaan Ahmed Dheere, Xildhibaan Xasan Cali, Xildhibaan C/llahi Cali Wardheere.

Golaha Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug State

Golaha Dhaqanka Galmudug

Naba’doon Cisman Nuur Qayd

Naba’doon Yuusuf Hashi Cilmi Qabax

Naba’doon Max’ed Maxamuud Guuleed Geesey

Kulanka ayaa sidoo kale dhanka Punlaan waxaa kasoo qaybgalay Maamulka waqooyiga gobolka Mudug, kan waqooyiga dagmada Gaalkacyo  iyo  isimadda  beesha Cumar maxamuud  oo ayagu aad u danaynaya Nabad galyada iyo Xasiloonida magalada Gaalkacyo.

Si kastaba ha ahaatee kulanka labada dhinac  ayaa lafilayaa inuu is afgarad ku dhamaado ayadoo wixii kasoo baxa  aan Hobyoradio inkugu  soo gudbin doono maalmaha soo socda.

Max'ed  Maxamuud ( max'ed Yare)

Gaalkacyo, Galmudug State

Madaxweynaha Galmudug Max'ed Warsame Cali Kiimiko oo lasoo dhaweynayo

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com