Madaxweyne Prof. Maxamed Warsame Kiimiko iyo wafti balaaran ee uu hoggaaminayo oo Jaaliyadda Galmudug State ee Gobolka Ilinois Magaalada Chicago ay  si diiran ugu soo  dhaweeyeen.

Jun,29,2007 www.Hobyoradio.com

Madaxweyne Maxamed Warsame Kiimiko iyo waftigii balaarnaa ee uu hoggaaminayey ayaa si diiran waxaa Jaaliyadda Galmudug State ee Magaalada Chicago ee Gobolka Ilinois ugu soo dhaweeyeen halkaasi.

Madaxweynaha ayaa mahadnaq balaaran u soo jeediyey Jaaliyadda Galmudug State ee magaalada Chicago, sida wanaagsanayd ee ay u soo dhaweeyeen.  Intaas kadib, Madaxweynuhu wuxuu warbixin guud ka siiyey jaaliyadda deegaanada Galmudug State iyo baahida ay u qabaan jaaliyadda dibadda kaalmadooda.

Jaaliyadda Galmudug ee magaalada Chicago ayaa ahayd mid habuun u qabtay la kulanka Madaxweynahooda iyo waftiga uu hoggaaminayo, kuwaasoo sacabkooda iyo qosolkooda ay hakad galinaysay qudbadda Madaxweynaha.

Ugu danbayntii waxaa jaaliyaddu bilowday yabooha lacago loogu deeqayo horumarinta Gobolada Galmudug State, waxayna Jaaliyaddu ugu deeqday lacag gaaraysa $25000 kun oo dollar, gabagabadii shirka waxaa wacdi diini ah oo ay la qushuuceen dadweynihii ka soo qaybgalay shirka ka jeediyey Shiikh Cumar Xassan Cadde Fiqi.

Jaaliyada GalMudug State ee gobolka Ilinois, Magalada Chicago.

Xusseen Shiikh Nuur

Chicago, Ilinois

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com