Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

M/weyneyasha Somalia iyo Somaliland oo Kulmay iyo M/weynaha Galmudug oo goob joog ka ahaa+Sawiro

Jun,28,2012 www.Hobyoradio.com

M/weyneyasha Somalia iyo Somaliland oo Kulmay iyo M/weynaha Galmudug oo goob joog ka ahaa+Sawiro

M/weynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo m/weynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo kulanka ay ka qaybgaleen ergooyin ka kala socday maamuladda Somalia iyo Somalia iyo M/weynaha Galmudug Col. Max’ed Ahmed Caalin.

Kulankan ayaa w
axaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa uu ahaa mid daba-socday shirkii magaalada London ku dhexmaray xubno matalayay Soomaaliya iyo Somaliland.

M/weynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay la kulanka m/weynaha Somaliland, isagoo sheegay in kulankoodu yahay kii ugu horeeyay islamarkaana uu daba-socdo kulankii ka dhacay London ee dhexmaray maamulka DKMG iyo maamulka Somaaliland.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay M/weyne Siilaanyo oo dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan la dagaalanka argagaxisada iyo burcad-badeedda. Kulanka labada labada madaxweyne ayaa waxaa goobjoog ka ahaa m/weynaha maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin iyo xubno kale oo ka socday Imaaraadka Carabta.

Labada madaxweyne ayaa waxay isku raaceen in la taageero qodobbadii kasoo baxay shirkii ka dhacay London, lana sii wado wadahadallada u billowday, iyagoo xusay in labada guddi ay u ogolaadeen inay sii wadaan wadahadalka billowday si loo xaqiijiyo xiriir dhab ah oo
dhexmara labada dhinac.

Heshiiskan ayaa la filayaa in laga sii wado meeshiisa ayadoo ay jiraan godobo xasaasi ah oo laga wada hadlidoono, Madaxda Somalia ayaa qabta inaan dalka lakala goyn Karin ayadoo dhanka madaxda Somaliland ay qabaan inay dib ula laabteen dalkoodii arimahaas ayaa keenidoona caqabad weyn oo aan lahayn dhan looga gudbo.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|