|
Musharax Xuseen khaliif oo maanta soo gaaray deegaanada Galmudug.
Jun,27,2012
www.Hobyoradio.com


Musharax Xuseen khaliif oo maanta soo gaaray deegaanada Galmudug.

Musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya kaasoo lagu magacaabo Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac ayaa manta soo gaaray deegaanada Galmudug isagoona maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa gudaha Magaalada Gaalkacyo waxaana musharaxa lagu soo dhaweeyay Hotel Empassy .
Intaasi ka dib waxa uu musharuxu kulumo la qaatay mas’uuliyiintii Galmudug oo halkaasi ku sugnayd waxaana ka mid ahaa M/weyne kuxigeenka Galmudug ahna ku simaha xafiiska madaxweynaha MD: C/samad Nuur Guuleed Gudoomiyaha Baarlamaanka MD: Xasan Maxamuud Hayl I, xibno kale oo wasiiro ah iyo qaar ka mid ah waxgaradka Galmudug waxayna uga mahad celiyeen imaatinka deegaanka Galmudug ayagoona sheegay in ay la garab galayaan ololaha doorashada ee madaxwenaha Soomaaliya.
Musharaxa Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac ayaa mahad celin ka bixiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen shacabka reer Galmudug ka dib waxa uu ka warbixiyay booqashada uu ku yimid Gobolka Mudug ee Gaalkacyo isagoona sheegay in ay Gaalkacyo tahay magaaladiisii xasuus gaar ahna ay u leedahay Maantana uu ku faraxsan yahay inuu soo gaaro, ” Gaalkacyo waa magaaladaydii waxbarashadaydii qayb ka mid ahna aan ku qaatay waa farxad ii gaara waxaan rajaynayaa inaan wax ka qabto hadii uu Eebe ii sahlo xilka madaxtinimo ee Soomaaliya”, Ayuu Yiri Musharax Xuseen khaliif.
Ugu danbayntii Musharax Xuseen khaliif ayaa dib ugu laabtay hooyga uu ka daganyahay waqooyiga Magaalada Gaakacyo waxaana galbinayay ciidamada amaanka ee Galmudug iyo kuwa Punland
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|