Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Madaxda Galmudug  Ahmed Baasto iyo Aweys C. Siciid  oo beeniyay eedaymo been abuur ah oo website-yada lagu qoray.

Jun,26,2012 www.Hobyoradio.com

Madaxda Galmudug  Ahmed Baasto iyo Aweys C. Siciid  oo beeniyay eedaymo been abuur ah oo website-yada lagu qoray. 

Guddoomiye Kuxigeenka koowaad Gobolka Mudug ee Galmudug Aweys Cali Saciid iyo Wasiiru kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Ahmed Maxamuud Baasto ayaa  beeniyay eedayn been abuur ah oo sheegaysa inay leexsadeen raashin loogu talagalay barakacayaasha ku jira kaamamka Galmudug Wararkan oo ah kuwa been abuur ah ayaa waxaa lagu faafiyay warbaahinta Hobyo iyo Shabeele .

Guddoomiye Kuxigeenka koowaad Gobolka Mudug Aweys Cali Saciid ayaa ka hadlay eedaymaha  la sheegay inay u soo jeediyeen qaar ka mid ah barakacyaasha ku dhaqan Kaamamka magaalada Gaalkacyo,Galmudug kuwaasoo ahaa dad lacag la siiyay oo ayagu codod la duubay, Ujeedkooduna ahaa inay u gafaan madaxda Galmudug, Waxa uuna  tilmaamay in aanay arintaasi waxba ka jirin.

Ahmed Baasto iyo Aways Cali Saciid oo la soo xiriiray warbaahinta Hobyoradio ayaa carabka ku dhuftay  in cidkasta oo ka mid ah barakacyaasha ku nool magaalada Gaalkacyo  oo wax ku haysata ay la soo xiriiraan  xafiiskiisa isla markaana ay ku soo cadeeyaaan qofkii arkay xoolo barakacayaasho ay leeyiihiin oo uu maamulku leexsaday, Hadii aysan jirin waxaa dambiga qaadaya cidii sheegtay beenta ayay yiraahdeen Ahmed Baasto iyo Aweys Cali Siciid.

Sidoo kale Ahmed iyo Aweys ayaa digniin u soo jeediyay qaar ka midah bahda saxaafada waxa ayna kula taliyeen in ay iska dhaafaan wararka beentaah oo aan raadka laheyn iyagoona intaasi ku daray in lala xisaabtamidoono ciddii war been abuur ah ka samaysa madaxda iyo bulshada Galmudug.

Uga dambayntii dhawaan ayay ahayd markii qaarka mid saaxafada Muqdisho ka howl gasha oo ay ka mid tahay Shabelle ay baahisay warar eedaymo ah oo ay soo jeediyeen Barakacayaasha ku Nool koonfurta Maagaalada Gaalkacyo. Arintaasoo markii la baaray noqotay dad aan ahayn barakacayaal oo cod been ah laga qabtay.

Madaxda iyo Wariyaasha Idaacadda Hobyo ayaa waxay raaligalin iyo cudurdaar ka bixinayaan wararkii been abuurka ahaa ee lagu eedeeyay masuuliyiinta Galmudug Mudane Ahmed Maxamuud Baasto iyo Mudane Aweys Cali Siciid

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|