|
TALLAABO CADAALAD,XAQ SOOR IYO CAQLI ADEEGSI KU SALEEYSAN.
Jun,26,2012
www.Hobyoradio.com


TALLAABO CADAALAD,XAQ SOOR IYO CAQLI ADEEGSI KU SALEEYSAN.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo Suubane(Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)
Tallaabo cadaalad,xaqsoornimo iyo garasho wanaag ku
saleeysan kana turjumeeysa xaq u hiilinta iyo dulmi
suuliinta shareecadena islaanimo na fareeyso-Maasha
Allah.
Anigoo ah ustaad-Xassan Carab xaq u hiiliyeey,xoriyada
iyo xuquuq illaaliye,dulmi,dhibaato,xaq darro,bood hanti
iyo guud ahaanba wixii ummdda dhib ku haya oo lidku ah
dhammaan Shareecadeena Islaanimo(diidan)qalinkeeygu yahay
wacyi gelin iyo tallo wanaag bixiyeey heegan joogto ah
danta guud iyo maslaxadda ummadeed(Qarameed)waxaan halkan
ama qormadan kooban ku soo dhoweynaayaa si cad u taageerayaa
Tallaabadda xaq-soornimo oo Xurmadle-Madaxweyne-Sh.Shariif
Sh.Axmed ku go'aansaday(xaq u soo celinta ubadkii-Gen-Gabeeyre,
Gen-Ceynaashe iyo Col-C/Qaadir Dheel)oo dowladii kacaanku kala
wareegtay toogashadoodii kadib,waana go'aan mudnaan gaar ah
leh oo wadada u xaaqaaya ama baneeynaaya in mustaqbalka eey
soo baxaan go'aan heer madaxweyne oo cadaalad ku saleeysan la
waafajinaayo hanaanka garsoor looguna soo celin doono hadii
Allah idmo hantidda ma guurta ah oo muwaadiniinta somaaliyeed
ka maqan kuna maqan muwaadin kele oo hab xaq daro wuu ku heysto
hadii eey noqon lahaan:-Guryo,dhul banaan ama dhul beereed-ba.
Anigoo sidoo kalle taageere weyn u ah xurmadle-Madaxweyne Sh.
Shariif Allah ka tuugaaya in ku garab kalle masuuliyada weyn
iyo dadaal daacadnimadda,xilkasnimadda,kartida dheeraadka ah
iyo waajib gudashadab,sidoo kalle rajeeynaaya inuu mar kale
ku soo laabto xilka madawxweyne-nimadda si uu u dhameeys tiro
hawlaha badan ahamiyada weyn leh oo weli dhiman,waxaan halkan
aamaan,gobaadiin iyo hanbalyoba uga soo gudbinaayaa Xurmadle-
Halyeey-Sh.Shariif tallaabadaas caqli adeegsi iyo xaq u hiilinta
ah guul weyna u ah aniga iyo inta cadaalad ku dhaqmida jaceyl
dulmiga iyo xaq dhuudsiga sida cad ku diidan,una taagan qaran
difaacidda iyo midnimo illaalinta,Xurmadle-Madaxweyne Guuleeyso
aamiin,aamiin,aamiin.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Jun-25/2012.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|