Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Dowladda KMG, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,

Jun,26,2012 www.Hobyoradio.com

Dowladda KMG, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,

Wafdi isugu jira Dowladda KMG, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo wafdigan kulamo la qaatay Maamulka Gobolka iyo qeybaha bulshada.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka Nuur Axmed Diiriye oo hogaaminayay wafdigan ayaa sheegay in ujeedka safarkooda yahay sidii la isugu xiri lahaa Maamulada Gobolada dalka, isla markaana looga shaqeyn lahaa ammaanka iyo arrimaha bulshada.

"Waxaan hada joognaa Madaxtooyadii Gobolka Baay, waxaan la kulanay Maamulka Gobolka, Culumaa'udiinka Haweenka, Ururada dhalinyarada, waxaa ka wada hadalnay isku xirka maamulada ee dhinaca nabad gelyada"ayuu yiri Mas'uulkan.

Waxaa uu sheegay inay kulankooda ka soo saari doonaan war murtiyeed la xiriira arrimaha ay u yimaadeen iyo waxyaabihii ay kala hadleen Maamulka Gobolka iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fataax Geesey ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u tahay wafdigan caalamiga ah, isagoo xusay inay uga duwan tahay booqashada mas'uuliyiinta kale ee ku imaan jireen Gobolka Baay, waxaana uu tilmaamay in Wasaarada Arrimaha Gudaha ay hoos tagto Maamulada Gobolada dalka.

Wafdigan oo dhowr xubnood ka kooban oo isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa la filayaa inay u kuur galaan xaalada amni iyo mdi arrimo bulsho ee Magaalada Baydhabo, oo bishii Febraayo la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|