Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Madaxweyne Shariif oo gaaray Magaalada Dubai iyo isu taga Imaaraadka Carabta

Jun,26,2012 www.Hobyoradio.com

Madaxweyne Shariif oo gaaray Magaalada Dubai iyo isu taga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta birrito ah uu Magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka  Carabta kaga qeyb galo shir Caalami ah oo looga hadlayo arrimaha burcad badeeda Soomaalida.

Shirka ayaa la filayaa inay ka qeyb gali doonaan inka badan 50-dowladood iyo quburro qaalbisan xagga bad mareennada, waxaana shirkaasi uu socon doonaan labo maalmood, iyadoo Madaxda kala duwan ay ku qul qulayaan Magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galaysa shirkaasi ayaa lagu wadaa in khudbadahoodu ay diiradda ku saaraan dhibaatooyinka iyo falalka ay wadaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo muddooyinkii dambe laba jibaaray afduubka ay u gaystaan Maraakiibta shisheeye.

Madaxda ayaa sidoo kale ka hadli doona in lasii xoojiyo iskaashiga guud ee la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida sida uu Warbaahinta u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta Xasan Max’ed.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|