Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Madaxweyna​ha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay 52-guuradi​i ka soo wareegatay 26-ka june.

Jun,26,2012 www.Hobyoradio.com

Madaxweyna​ha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay 52-guuradi​i ka soo wareegatay 26-ka june.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay 52-guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Waqooyi xornimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska ayaa sheegay inay ku soo aadeen, iyadoo wada hadalo u bilowdeen Gobolada Waqooyi iyo Koofur.

Wareysi uu shalay siiyay Idaacada afka Dowladda ku hadasha ka hor inta uusan ka dhoofin Magaalada Muqdisho ayuu Madaxweyne Shariif hambalyo u diray munaasabada 26-ka June shacabka Soomaaliyed.

"Runtii waxay ku soo aaday waqti ay bilowdeen wada hadalo waqooyi iyo koofur u dhaxeeya, waxaa bogaadineynaa doorka wanaagsanaa midnimada ku lahaayeen iyo isu keenida dib u soo laabto shacabka Soomaaliyed, waxaan leeyahay sanadkan kiisa kale, horumar, barwaaqo inay ku gaaraan"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

"Waxaa rabaa si gaar ah inaan ugu mahad celiyo walaalaheena reer soomaaliland niyad wanaaga iyo xilkasnimo ay muujiyeen, soomaali meel kalama tagi karto, hadii la kala tabto waa la xalin karaa, waana lagama maarmaan, hambalyo aya aleeyahay guul ku waara"ayuu sii raaciyay.

Munaasabado lagu weynayo maalinta 26-ka June ayaa xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo dhulka Somaliland, iyadoo dabaal degyada ay ahaayeen markii ay xornimada qaateen Gobolada Waqooyi, oo gumeysigii Ingiriiska ka xuroobeen.

Dhowaan ayay aheyd markii magaalada London uu ku soo gaba gaboobay wada hadalo u dhaxeeyay Maamulka Somaliland iyo Dowladda KMG, iyadoo laga soo saaray qodobo muhiim ah, Somaliland ayaa ku adkeysaneysa in aanay ka laabaneyn mowqifkeeda ku aadan gooni isu taageeda.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|