![]() |
||
|
|
||
|
Madaxweynaha Galmudug ee booqasho ku tegay Portland, Maine ee cariga Mareekanka
Jun,25,2008 www.Hobyoradio.com
Waxaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Portland ee Maine wafdi oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Dr. Maxamed Warsame Kiimiko. Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la yeeshay odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano, iyo gabdhaha ka kala yimid gobbolada Mareykanka sida Massachutes, Vermont and gobolka Maine.
Madaxweynaha ayaa khudbad dheer u jeediyey bulshaweynta Galmudug ee ee ka soo qeybgashay kulankaaas. Madaxweynaha khudbadiiisa kaga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha lagu hormarinayo mashaariic lafdhabar u ah horumarinta Galmudug gaar ahaan, amniga iyo waxbarasha. Wuxuu madaxweynaha tusaaleeyey in taakuleynta dhaqaale ee lagu kaalmeeyo horumarinta Galmudug ay wax weyn ka tareyso mashaareiicda ay ka midka yihiin amniga iyo waxbarasha.
Wuxuu madaxweynaha si aad ah ugu mahadnoqay bulashaweynta shirkaasi ka soo qeyb gashay ee sida xamaasadda leh dareenkooda wadaninimo u muujiyeen dhismaha dawlad gobaleedka Galmudug. Waxaa madaxweynaha hoteelka uu joogay ku qaabilay wefdi ballaaran, ee ka yimid dalka Kanada waxaana wefdigaasi hogaaminayayey Mudane Cismaan A@&med. Madaxweyne Maxamed Warsame ee dadka reer Canada ku timaamay inay yihiin mawaadiniinta ee sida joogtada ah u taageero dowaladda Galmudug, waxayna muujiyaan karti dheeraad ee hiil iyo hooba leh. iyagoo marnaba ka bakhiileynin tageerada u ka geystaan hor-umarinta Galmudug. Wuxuu madaxweynaha Kiimiko isla galabnimadii la kulamy Jaaliyada gabdhaha ee hogamineysay Marwo Xaawo Xirsi. Marwo Xaawo Xirsi ayaa madaxweynaha hortiisa ku ballanqaaday iyadoo ku hadleyso jaaliyada gabdha ee New England in ay si joogta ah u ka geysato horumarka Galmudug. Mdaxweynaha oo isaguna gabdhaha ku dhiirigeliyety inay sii wadaan ka qeybqaadashada waxtarka ee lagu hormardinaya mashaariicda Galmudug. Ugu danbeyntii ayaa dadweynaha u sheegay inuu dhawaan ku sii jeedo Galmudug kabib markuu soo gunaanandayo hawlihii uu u joogay dalka Mareekanka. Cumar Axmed Portland, Maine Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||