Waraysi meela badan taabanaya oo Mudane Cisman Caato uu siiyay Oktobar-2006  idaacadda Hobyo Radio ee magalada Gaalkacyo.

Jun,25,2008  www.Hobyoradio.com

Mudane Cisman Caato ayaa ka qayb galay barnaamijka Dood Furan ee kabixi jiray Idaacad Hobyo Radio ee magalada Gaalkacyo.

Halkan ka Dhagayso

Waraysigan oo meelo badan taabanaya ayaa waxaa qadka taleefanka kaga qayb qaatay dadweynaha magalada Gaalkacyo ayadoo barnaamijka Dood Furan uu noo daadihinayo Wariye C/Nasir Seero.

Su’aalaha aan diirada Saarayno waa  dhanka Horumar iyo Nabadgalyada

Su’aal uu waydiiyay Wariye C/nasir Seero  Gobolka ayaad kazoo jeeda oday ayaa tahay siyaasi ah” hadaad tihiin Siyaasiyiin, Ganacsato horumarkii gobolka laga doonayay  ama Waxbarsho hanoqoto ama Caafimaad iyo adeegyadii bulshada ha noqotee maxaad ka qabateen’’  dadka maxaad u sheegaysaan.

Jawaabtii  Mudane Cisman Caato caawa wax weyn oo aan dadka u sheegayno majirto, lakiin dadkan colaad dheer ayuu soo maray, Colaadiba colaad bay u dhiibtay” Colaadii ayay ku mashquuleen  Siyaasiyiintii , Waxgaradkiisii iyo dadkii intii badnaa coladahaas ayaa jiitay’’ maanta dib ayaa loosoo noqday,  ayadoo dagaalo qabaailo ah ay jiraan ayagiibaa laga howlgalay Alla mahadii waa  lagu guulaystay, dhismihii maamulkii ayaa la bilaabay ‘’ Waxaa yaala 1001 howlood  oo in la qabto loo baahanyahay, waxaana loo baahan yahay inay diriskeenu punlaan garab iyo gacan  nagu siyaan ee aysan Caqabad nagu noqon” Waxaan rajaynaynaa in  dadkayagu waxa la qabanayo loo wada qalab qaato, wixii aan 5 sano kahor inan qabsano loo baahnaa hadaan caawa bilownay guushii waa loo dhaqaaqay xageeda.

Su’aal Wariye C/nasir Seero  Ma lainku eedayn karaa inaad arimihii Siyaasada xooga saarteen ee aad ka gaabiseen arimihii Bulshada?

Jawaabtii Mudane CaatoHaa waa nalaku eedayn karaa

Su’aal Wariye Seero Maxaad haatan diyaar aad u noqonaysaan ka oday ahaan ka siyaasi ahaan dadkii waxay u baahan yihiin nolol maadaama aad nabadgalyadii kasoo shaqayseen inay dadkii  Caafimaad helaan “waxbarsho helaan adeegyadii kale ee lagama maarmaanka ahaa inay Biyo iyo  taleefan  dadku ay helaan” in shaqo loo abuuro kaalinta adinka idinkaga aadan maxaad caawa dadka aad u balan qaadaysaan.

Jawaabtii Mudane Caato  waxaan dadka u balanqaadaynaa  horta waxaa ugu horeeyaa waa nabada”mar hadii nabadii timid ilaahay noosoo dhaweeyay labada dhan Sacad iyo Saleebaan” waan hubaa inay wax yaalaha kalena inay dhalandoonaan “inay  horumarkuna imaan doonaan, waxaan rajaynayaa Maamulka lasameeyay asaguna inuu wax weyn ku kordhiyo dadka Soomaaliyeed ee xoolaha leh  inay gacan gaystaan”” Jidadkii baa Baaba’san, Dakadihii baa Baaba’san, garoonkii baa Baaba’san, ”xataa waxaa Baaba’san wax wada  qaybsigii reer punlaan aanu wada lahyn” marka waxaa la rabaa  dadaal  waanalaka rabaaye qaabkii uu dadaalkaasi ku dhalan lahaa iyo culaysyada na hortaagan intuba  in ilaahay noo dhibyareeyo ayaa rajaynaynaa” Ayna qaataan walaalaheena  kale waxaa waajib ku ah (oo ula jeedo Punlaan).

Qalabka Cisman cato oo lagu Dayactiray magalada Galkacyo iyo waliba wadad dheer ee u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Hobyo...

http://www.hobyoradio.com/5,21,81Cisman-Cato.htm

http://www.hobyoradio.com/5,24,81Dayactir-Cato.htm 

http://www.hobyoradio.com/6,16,81Wasil-Qalcad.htm

Mudane Cisman Xasan Caato oo marti noogu ahaa barnaamijka Dood Furan ee Istuudiyaha idaacada Hobyo Radio ee magalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale ka jawaabay Su’aalo ay qadka talefoonka kusoo weydiiyeen dadweynaha magalada Gaalkacyo.

Mar wax laga weydiiyay inuu taageersanyahay maamulka Galmudug ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo ayuu Caato sheegay inuu Taageersanyahay maamulka ayna dhisteen dadku wax aan u horistaagana iima muuqdaan ayuu yiri Cisman Caato..

C/aziz Xogolof

xogolaf@yahoo.com

San Diego, California

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com