Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Dabley hubaysan oo dad rayid ah ku dilay deegaanka Mirro Cowle​ed,Galinsoor ee Gobolka Mudug.

Jun,23,2012 www.Hobyoradio.com

Dabley hubaysan oo dad rayid ah ku dilay deegaanka Mirro Cowle​ed,Galinsoor ee Gobolka Mudug.

Kooxo Dabley ah ayaa xalay ku dilay dad rayid ah deegaanka MIRO COWLEED oo ka tirsan Galinsoor ee gobolka G/Mudug sida ay tilmaamayaan wararka halkaasi laga helayo ayaa waxaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah.

Dilka dadkan rayidka ah loo geeystay oo dhacay habeen hore ayaa waxaa fuliyay koox dablay ah oo aan haybtooda la garanayn hase ahaatee wararka ayaa tilmaamaya in ay ka soo jeedaan degmada Cadaado ee Galgaduud..

Ugu danbayntii dhawaan ayay ahayd markii dil noocaan oo kale ah ay ka dhaceen deegaan hoostaga Galinsoor oo ka tirsan Galmudug,iyadoo ay salka ku hayaan arimo aargoosi iyo dhul daaqsinka deegaamadaasi, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas'uuliyiinta Maamulka Galmudug iyo Maamulka Ximin iyo xeeb ee ku aadan colaadahaas ka soo cusboonaaday deegaanada ay wadagaan dadka walaalaha ah.

Ugu danbayntii ma jiro wax war ah oo xaqiijinaya waxa kala gaaray labadda dhinac ayadoo wararka la helayaa aysan xaqiijin geerida iyo dhaawacu inta uu yahay waxaana laga filayaa inay ka hadlaan maamulka Galmudug iyo Maamulka X/xeeb siday dhiiladadan colaadeed ee hadda soo noq noqotay u joojin lahaayeen inta aysan faraha kabixin.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|