|
Warmurtiyeed kasoo baxay Shirkii saxiixa-yaasha Road-mapka ugu soconaayay Magaalada Nairobi.
Jun,22,2012
www.Hobyoradio.com



Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya, waxay kulan ku yeesheen Nairobi, Kenya laga bilaabo 20ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wadaxaajood dheeraad ah uga sameeyaan higelintakhariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya. So gaar ah waxay diiradda usaareen sidii hoey loogu dhigi laa hifelinta waxyaabihii ay ku heshiiyeenshirkii Addis Ababa, Thiopia, ee 21dii ilaa 23dii May kaasoo looga gol lahaadedejinta tubta nabadda.
Shirka waxaa sahashay Quruumaha midoobay, gaar ahaan u qaybsanaha arrimaha Somaliaee Xoghayaha Qaramada Midoobay, Danjire Augustine P. Mahiga.
Shirka Nairobi waxaa ka soo qaybgala Madaxda Saxiixayaasha Khariidada (RoadmapSignatories), sida Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Madaxweynaha DowladdaFederaalka KMG ah (DFKMG) ee Somalia; Mudane Sharif Xassan Sheikh Adan,Af-hayeenka Baarlammanka DFKMG ah ee Somalia,mudane Cabdiweli Maxamed Cali,Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Cabdiraxman MaxamedMaxamud (Farole), Madaxweynaha Dowladda Puntland; Mudane Maxamed Axmed Caalin,Madaxweynaha Galmudug; iyo Sheikh Maxamed Maxamud Yusuf (Aw’Libaax), WakiilkaUrurka Ahlu Sunna Wal Jama’a.
1. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:
a) Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KMG ah markay ka
doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah
oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda
Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay
May 21-23, 2012.
Sidaa darted Saxiixayaashu waxay isku raaceen saxiixeena qodobada soo socda:
1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha
baarlamaanka
2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta
hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee)
3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha AnsixintaDastuurka (National Constituent Assembly)
4. Protokoolka dhisaya BaarlamaankaFederaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament)
Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiindhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoolada kor ku xusan oo dhisayanidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedisocodka Dastuurka Somalia iyadoo loomarayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia ooay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.
2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah
Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey eeQabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo eeDib-u-Eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kanihadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisawaxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical FacilitationCommittee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyoDib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.
Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada AnsixintaDastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoontaDadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalin taasoo qaadan doonta muddodhan 4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doontoGuddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee),Guddigaasoo ah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta eeQabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.
3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)
Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012 wuxuunasoo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaamarkii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalkaDastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeedcod-bixin toos ah.
4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah
Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa lamagacaabay:
a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)
b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)
c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)
d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (RoadmapSignatories Coordination Office)
Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusanwaxaa lagu soo uruurin doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soobandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.
5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah
Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelan inay ilaaliyaan wakhtiga kamadambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii Addis Ababa waxayna si wadajir ah ugo’aansadeen in la dhamaystiro Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaansiyaasadeed oo cusub oo waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen ErgadaAnsixinta Dastuurka.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|