|
Waxaan oga Mahad Celinaynaa Walaalaha Norway ee deeqda gaarsiiyay walaalohooda Tabaalaysay Allaha ajar inka siiyo. Tilaabo ku dayasho mudan By. C/aziz Xogolof |
Xuquuqda Sawirada iyo Warbixinta Waxaa iskaleh Wariye Cabdalle m Cabdille
Dhalinyaro udhalatay deegaanada dawlad goboleedka Galmudug state kuna nool dalka Norwey isla markaana ka mid ah aradayda wax ka barata jaamacadaha dalkaas Norwey ayaa waxa ay deeq lacgeed soo gaarsiiyeen dadka taagta daran ee dhibaatooyinka dhanka nolasha ah ay ku haystaan magaalada Gaalkacyo iyo dhul baadiyo ah oo ku hareerayasn Deeqadan lacageed ayaa ardayda jaamacadaha ka dhigata Norwey waxa ay ugu soo wakiisheen si dadka dhibaataysan loogu qaybiyo Ururka haweenka MIDNIMO ee Galmudug state oo ah urur ka shaqeeya hor’umarinta haweenka dhalinyarada iyo dadka dhibaatada ay haysto,
.JPG)
.JPG) |
.JPG) |
|
Shilin Somali |
Lacatii oo loo badalay Shilin Somali |
.JPG)
.JPG) |
.JPG) |
| Qoys Tabalaysan oo lacag la gudoonsiinayo |
Nin oday ah oo lacag ay gudonsiinayso Caasha |

Afhayeenka Cuuryaamiinta Nuur Cabdi iyo W.kuxgenka Ganacsiga Galmudug Marwo Xabiibo
.JPG)
Xarunta Cuuryaanada Galmudug State
.JPG)
Wasiir ku xigeenka ganacsiga Galmudug ahna gudoomiyaha ururka haweenka Midnimo marwo Xabiibo Max’ed Cabdi {Koofurow} ayaa hobyoradio usheegtay in deeqdaa lacageed ee dhalinyarada Norwey ay soo direen ay tahay lacag dhan $1200 {kun iyo laba boqol}oo doolar.
.JPG)
.JPG)
Marwo Xabiibo koofurow iyo xubno ka tirsan ururka haweenka Midnimo ayaa deeqdaas u qaybiyayay dhowr boqol oo qoys oo dhibaatooyin nololeed ay haystaan iyo kuwo cuuryaan ah oo ay ka mid yihiin kuwo luga la’,kuwo indha la; iyo dad badan oo bukaan ah kuwo maskaxda looga jiro ama waalan ay ku jiraan Dadka deeqda la gaarsiiyay ayaa qaarkood ay degan yihiin meel duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo oo aqalo xooshdo iyo baco ka samaysan ku jira waxa ayna dadkaasi ubadan yihiin dadka ka soo barakacay colaadha iyo dagaalada ba’an ee ka jira magaalada Muqdisho waxaana qoysaskaasi dhibaato nololeed ay ku haystaa duleedyada magaalada Gaalkacyo maadaama aysan gudaha magaalada guri iyo meel ay hoy ka dhigtaan aysan ku lahayn.
.JPG)
.JPG) |
.JPG) |
| Hayeenay Indha'la oo lacag la siiyay |
Haween isugu jira Curyamo,Indholayaal, iyo waayeel ah |
.JPG)
Nin Buro Dhuunta oga Taal oo lacag la gudoonsiiyay
 |
.JPG) |
| Sacdiyo oo nin waayeel ah buka lacag siinaysa |
Sacdiya oo lacag gudoonsiinaysa |
.JPG)
Dhamaan dadka deeqda lacgeed la gaarsiyay ayaa aad ugu farxay waxa ayna dhalinyrada Galmudug ee dalka Norwey soo direen ugu soo badaleen duco iyo amaan iyo in ilaah ajar ka siiyo mid ka qayr badana ugu badalo, Ma ahan markii ugu horaysay oo deeq caynkaan ah la soo gaarsiiyo dadka ku dhibaataysan magaalada Gaalkacyo iyo daafaheeda waxaa kal hore deeq sidaan oo kale ah soo diray gabdhaha ururka Tawakal ee dalka Norwey oo deeq lacageed soo gaarsiiyay dadka dhibaatada nololeed magaalada Gaalkacyo ku haysto.
.JPG)
Nin meel cidla ah dagan oo lacag la gudoonsiiya una ducaynaya walaalaha Norway
.JPG) |
.JPG) |
| Haweenay waayeel oo lacag lasiiyay |
Nin oday oo u ducaynaya dadkii lacagta soo diray |
.JPG)
Waxaana talaabadaan deeqda isdab jooga ah ee bahda Galmudug ee dalka Norwey si weyn usoo dhaweeyay dhamaan qaybaha kale ee bulshada reer Galmudug oo ku tilmaamay mid ku dayasho mudan loogana baahan yahay jaaliyadda dibadda oo dhan in ay ku daydaan sidii wax loo tari lahaa dadakaasi oo aysan kaafin ka rin deeqda hadda la soo gaarsiiyay oo aad uga yar kaafinta baahidooda marka laga eego dhibaatada haysta dadkaasi
Cabdalla M.C/lle
Hobyoradio Galkacyo
GalMudug State SOMalia
Mobil:002529 752260