Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

DKG ah oo sheegay in ay xoog ku soo furteen Lamaane u kala dhashay K/Afrika iyo Talyaaniga​.

Jun,21,2012 www.Hobyoradio.com

DKG ah oo sheegay in ay xoog ku soo furteen Lamaane u kala dhashay K/Afrika iyo Talyaaniga​.

DKG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howl gal qorsheysan oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada dowladda, qeybta Nabadsugida ay ku soo furteen si xoog ah lamaane u kala dhashay dalalka Koofur Afrika iyo Talyaaniga oo muddo sanad iyo bar ka hor ay soo afduubteen Kooxo Burcad badeed ah.

Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in lamaanayaasha kala ah Deborah Calitz iyo Bruno Pelizzari ay xoriyadooda dib u heleen, isagoo xusay inay ku guuleysteen inay xoog ku soo furtaan.

"Waxaan aduunka u sheegeyna in Ciidamada dowladda ay howlgal ku soo furteen lamaanahan, waxaa gacanta ku hayay Al-Shabaab muddo 18-bilood ah"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga ahna Kusimaha Ra'iisul Wasaaraha oo intaa ku daray in howl galka lagu soo furtay uu socday xalay ilaa saakay sida uu yiri.

Ma uusan sheegin halka lagu heystay lamaanahan iyo goobta howl galka ka dhacay, waxaase uu meesha ka saaray inw ax madax furasho lagu sii daayay, marka laga reebo howl galka uu tilmaamay inay ku soo furteen.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay howl galkan, isagoo tilmaamay inay tahay guul weyn oo ay gaartay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay muddo dadaal ugu jireyn sidii ay u sii deyn lahaayeen lamaanahan, isagoo intaa ku daray inay rajeynayaan in ajaaniibta kale ee dalka lagu haayo la sii daayo, si sharafka iyo sumcada Soomaaliya u soo laabato

Lamaanayaashan ayaa goor dhow saxaafada loogu soo bandhigay Xarunta Madaxtooyada, halkaasoo ay kala soo muuqdeen Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Arrimaha Dibada.

Deborah Calitz ayaa u sheegay saxaafada inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dib xoriyadiisa u helo, isla markaana uu qoyskiisa ku biiri doono.

Lamaanahan ayaa ah lamaanihii ugu mudada dheeraa ee lagu heysto Soomaaliya, iyadoo la afduubtay bishii October ee sanadkii 2010.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|