Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Hubkii ugu badnaa ee ay howlgal ku qabtaan Dowlada KMG oo la soo bandhigtay​.

Jun,21,2012 www.Hobyoradio.com

Hubkii ugu badnaa ee ay howlgal ku qabtaan Dowlada KMG oo la soo bandhigtay​.

Howlgal ay maanta ciidamada dowlada KMG ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ayaa waxaa ay gacanta ku dhigen hub aad ubadan oo noocyo kala duwan leh.

Saraakiisha ciidamada dowlada KMG gaar ahaan Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Dhega-badan,  Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha ciidamada booliska Shariif Sheequnaa Maye ayaa saxaafadda ugu soo bandhigay maanta hubkan garoonka ciyaaraha ee Stadio Muqdisho.

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada dowlada lagyu soo qabtay hubkan oo aad ubadan waxaana laga soo faqay dhulka hoostiisa.

“Hubkan waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada nabad sugida howlgalo ay ka sameeyeen Suuqa Xoolaha waxaana hubka lasoo qabtay ku jira  AK47, bastoolado, qoryaha garbaha laga rido ee RBG, Miinooyinka qarax iyo kuwa kale kuwaasi oo gaarayay in ka badan 1000 hub oo kuwa fudud iyo kuwa culusba isugu jira.

Agaasimaha Hay;ada Nabad sugida dowlada KMG Axmed fiqi ayaa sheegay in hubkaas lagu gaysan jiray dhibaatooyin amaan xumo ayna sii wadayaan howlgaladda lagu baadi goobayo hubka. Taliska Booliska ayaa iyagana balan qaaday in ay ka go’an tahay sii wadida suguda amaanka Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay shacabka kusoo laabanayaan oo ay Suuqa Xoolaha ku jirto.

Marar badan ayay ciidamada dowlada KMG hub badan kusoo qabteen howlgalo ay ka sameeyeen magaaladda Caasimadda ah iyadoo hubkaas loo malaynayo in ay ka tageen Shabaab.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|