Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Shirkii saxiixayaa​sha Road Map-ka uga socday magaalada Nairobi oo Qodobo lagu heshiiyay.

Jun,21,2012 www.Hobyoradio.com

Shirkii saxiixayaa​sha Road Map-ka uga socday magaalada Nairobi oo Qodobo lagu heshiiyay.

Qodobo lagu heshiiyay shirkii saxiixayaasha Road Map-ka uga socday magaalada NairobiQodobo horu dhac ah ayaa ka soo baxay shirkii Saxiixayaasha Road Map-ka uga socday magaalada Nairobi, iyadoo maalinta berri lagu wado in la soo saaro war murtiyeedkii ay ku heshiiyeen dhinacyada shirarsanaa, kadib saacado kala aragti duwanaan u dhaxeysay Hogaamiyaasha.

Gudiyo aanay ku jirin saxiixayaasha ayaa la sameeyay, kuwaasoo isku dubaridaya war murtiyeedka berri la soo saaray, waxaana la sheegayaa in arrimo badan la isku afgartay.

Arrimaha la isku afgartay ayaa waxaa ka mid ah qodobo la rabo in Dastuurka laga bedelo, kaasoo ahaa kan ugu weyn ee saxiixayaasha isku hayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la isku afgartay in la qaato nuqulkii hore ee Dastuurka qabyo qoraalka ee Gudiga madax banaan ee Dastuurka soo diyaariyeen.

Sidoo kale waxaa dhinacyada saxiixayaasha isla soo qaadeen sida laga yeelayo Aqalka sare ee Baarlamaanka, oo ah Odayaasha dhaqanka, inkastoo aan la ogeyn waxay isku afgarteen.

Madaxda saxiixayaasha ayaa dib ugu laabtay Hoteladooda oo ay kulamo gaar gaar ah kula leeyihiin diblomaasiyiinta Beesha Caalamka.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|