Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Xaflad ay siweyn  u soo agaasimeen ardeyda galmudug ee dalka Kenya,  laguna taageeray Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa  lagu Qabtey Magaalada Nairobi. Daawo Sawirada.

Jun,21,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

RAALIGALIN: WAXAAN KA RAALIGALINAYNAA URURKA ARDADA GALMUDUG EE DALKA kENYA DIB U DHACA KUYIMID WARBIXINTAN IYO SAWIRADA XAFLADAN BALAARAN OO KUSOO DHACDAY EMAILKA AGAASIME SICIID NANA SOO  GAARTAY JUN,17,2010. BY. WEB EDITOR  C/AZIZ XOGOLOF

Xaflad ay siweyn  u soo agaasimeen ardeyda galmudug ee dalka Kenya,  laguna taageeray Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa  lagu Qabtey Magaalada Nairobi. Daawo Sawirada

Xafladaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta Bangaani Hool ee Magaalada Nairobi halkaas oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne aad u farabadan iyo Madax ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Bulshada degta Maamulka Galmudug State.

Munaasabadaan oo loogu Magacdaray (Taageer Hormarka Galmudug State) ayaa waxaa soo abaabulay   ardayda kasoo jeeda Maamulka Galmudug State ee ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,ayadoona ay kasoo qayb galeen kumanaan dadweyne ah  oo Ruxayay Calanka Soomaaliya iyo Sawirada Madaxweynaha Galmudug State Caalin iyo Sawirka Fanaan K,NAAN Cabdi Warsame waxaana wajiyadooda laga dheehan karay Farxad iyo  sida ay u jecel yihiin maamulka Galmudug State  hormarka uu Xiligaan ku tilaabsaday.

Xaflada ayaa waxaa lagu furay Aayada Qur,aanka Kariimka ah waxaana xigay qodbado ay halkaasi ka jeediyeen Masuuliyiinta kasoo qayb galay oo iskugu jiray Salaadiin,Siyaasiyiin,Wax garad iyo Ardaydii soo abaabushay Xaflada,ayadoona qayb weyn Xaflada ay ka qaadanayeen Qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed oo uu hor kacayay Maxamuud Kooh Qarboosh  kuwaas oo soo bandhigayay Riwaad si aad ah loo jeclaystay.

Ugu horeyn waxaa qodbad halkaasi kajeediyay Gudoomiyaha Ardayda Maamulka Galmudug State ee Magaalada Nairobi Maxamed Cabdi Cilmi oo Xaflada daah furay kuna soo dhaweeyay dadweynihii Xaflada kasoo qayb galay asagoona si aad ah ugu mahad celiyay.

Waxaana ula jeedada Xaflada halkaasi ka aqriyay  Afhayeenka Ardayda GalmudugState ee Magaalada Nairobi Raage Xuseen Cigaal kaas oo sheegay in Xafladaan ay qabteen kadib markii ay Arkeen in lagama maar maan ay tahay in dadka Kasoo jeeda Maamulka Galmudg State ay midoobaan,iska warqaabaan wax kastana halmeel uga soo wada jeestaan asagoona uga mahad celiyay sida wanaaga badan ee looga soo qayb galay Xaflada.

Intaas kadib ayaa waxaa halkaasi qodbado dadka aad u kiciyay ka jeediyaay Salaadiinta kasoo jeeda Beelaha kala duwan ee dega Maamulka Galmudug State waxaana ay ku cel celiyeen sida loogu baahan yahay in la is garab qabto lagana gudbo qolo qolaynta loona wada is taago sidii Maamulka Galmudug State loo wada garab istaago lahay la iskuna kaashan lahay.

Waxaana kamid ahay Salaadiintii iyo Wax garadkii halkaasi ka halkaasi ka hadlay oo qodbadaha Qiirada leh ka jeediyay

Suldaan Axmed Xirsi

Suldaan C/casiis Cumar

Iimaam Xaaji C/kariin Xaaji Cusmaan

Suldaan Maxamed Geedi

Iyo Wax garad kale oo aad u farabadan waxaana Markaas kadib Microphone ka lagu soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka Galmudug State Axmed Maxamed Caashi oo halkaasi ka jeediyay Qodbad iskugu jirtay balan qaad iyo Dhiiri galin waxaana uu sheegay in uu aad ugu farxay Markii uu arkey dhalinyaradii reer Galmudug State oo Barnaamij intaan la eg Qabsaday oo hadana ku Casuumay dhamaan Salaadiintii iyo Wax garadkii  Bulshada Reer Galmudug qaybaheeda kala duwan waxaana uu sheegay in halbeel aysan lahayn halkaasi balse Caawa ay uwada Muuqdaan dhamaan beelaha halkaasi dega.

Xaflada ayaa ugu danbayn waxaa lagu soo dhaweeyay Mas,uul si aad ah hadalkiisa loo wada sugayay  oo gacanweyn ka gaystay sidii ay u suurta gali lahayd Xaflada Wakiilka east Africa ee Maamulka Galmudug State Xasan Maxamed Xuseen (X,Jabuuti) kaas oo sheegay in Waxbadan oo Hor mar ah ay ka gaareen dhanka East Africa waxaana uu Xaqiijiyay in Xaafiiskii Maamulka Galmudug State ee dalka Kenya Loo ogolaaday oo aqoonsigiisa lagu soo wareejiyay asagoona isla goobtaasi uga dhaqaay 5 Xubnood oo ka la shaqayn doonta Eest Africa kuwaas oo sida uu sheegay ka soo kala jeeda beelaha halkaasi dega.

X,Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha Ugandha iyo Tanzaniya ay u Gudbiyeen Codsigooda ku adan in loo ogolaado In Maamulka Galmudug State uu halkaasi Xaafiisyo ku yeesho waxaana uu  codsaday in Jaaliyada reer Galmudug Meel kasta oo ay joogaan ay is garab is taagaan oo is taageeraan ayna la shaqeeyaan Xaafiisyada kala duwan ee Maamulka kuleeyahay meelaha ay joogaan. 

Munaasabadan ayaa kusoo idlaatay sidii loogu tala galay ayadoona Habsami u socodka Xaflada ay gacanweyn ka gaysteen Qaar kamid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee Kusagan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ururka Ardeyda Galmudug State.

Kenya-Nairobi

gsokenya@gmail.com

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|