Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Magaalada Nairobi oo shir uga furmay saxiixayaa​sha Road Map-ka.

Jun,3,2012 www.Hobyoradio.com

Magaalada Nairobi oo shir uga furmay saxiixayaa​sha Road Map-ka.

Waxaa maalinta berri la filayaa in magaalada Nairobi uu shir uga furmay saxiixayaasha Road Map-ka, iyadoo ay soo baxayaan shakiyo laga muujinayo in waqtigii loogu tala galay uu lagu qaban waayo howsha xilliga kala guurka.

Inkastoo aan wali waxba ka qabsoomin Heshiiskii Addis Ababa ee Saxiixayaasha ku saxiixeen qodobo badan, hadana waxaa jirta Saxiixayaashu kala shakisan yihiin habka wax u socdaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka berri diirada lagu saari doono mad madow dhinacyada saxiixayaashu soo kala dhex galay, kaasoo ku saabsan arrinta Dastuurka oo keentay in qorshihii loogu soo bandhigi lahaa Odayaasha iyo Culimada dib loo dhigo.

Qaar ka mid ah saxiixayaasha ayaan ka war heyn Dastuur kale oo qarsoodi ah, kaasoo dhowaan soo shaac baxay, waxaana la leeyahay Dastuurkii qabyada ahaa mid aan aheyn ayaa bar bar socda.

Gudiga madax banaan ee Dastuurka ayaa warqad dhowaan ay u qoreen Madaxweynaha uga cawday Wasiirka Dastuurka, iyagoo Madaxweynaha weydiistay inuu tallaabo ka qaado, isla markaana uu ku hor-gudban yahay howlaha geedi socodka arrimaha Dastuurka.

Arrinta kale ee saxiixayaasha ay ka dhex tolan tahay waxaa ka mid ah shirka Odayaasha dhaqanka iyo qaabka soo xulida ergooyinka ansixinaya Dastuurka iyo soo xulista Baarlamaanka, iyadoo ay jireen kulamo gaar gaar ahaa oo madaxda dowladda ay la yeelanayeen Odayaasha dhaqanka.

Shirkan saxiixayaasha ay maalinta berri ku yeelanayaan ayaan la ogeyn waxa laga fili karo, maadaama wali waqtiga isa sii gurayo, isla markaana labo bilood ka harsan tahay xilliga Dowladda KMG ay dhaceyso.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|