Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Munaasabad Xilka Gudoomiyaha Dalada Badbaado lagula kala wareegayay oo ka dhacday Hotelka Embassy ee Magaalada Gaalkacyo.

Jun,19,2012 www.Hobyoradio.com

Munaasabad Xilka Gudoomiyaha Dalada Badbaado lagula kala wareegayay oo ka dhacday Hotelka Embassy ee Magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Dawlada KMG Soomaaliya, xubno ka socda labada Gole ee Xakuumada iyo Baarlamaanka Galmudug, Qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka sida Culuma'udiinka, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka Galmudug, Ayadoona munasabadan ay salka ku haysan Xil Wareejinta Gudoomiyaha Dalada Badbaado.

Intii ay socotay Manaasabada ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Saadaq Daahir Mire, Wasiirada Madaxtooyada iyo Xiriirka DFKMG Soomaaliya Marwo Faadumo, Sheikh Muxyadiin Yuusuf Barre iyo Masuuliyiin kale.

Ugu horeyn halkaasi waxaa hadalo kooban ka jeediyay Sheikh Muxidiin Yuusuf Bare, waxa uuna dhamaan dadkii halkaasi yimid kula dar daarmay cabsida ILAHAY, waxa uuna sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada in ay kaalintoodii looga fadhiyay ka qaataab Sidii loo hormarin lahaa Maamulka Galmudug.

Sidoo kale intii Munasabadu socotay ayaa waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Dalada Badbaado Cabdi raxmaan Nadaara islamarkaana maanta Xilka wareejinayay, waxa uuna ugu horeyn ka warbixiyay Mudadii ay shaqeynaysay Dalada Badbaado iyo waxyaabihii u qabsoomay, Asagoona carabka ku dhuftay in loo bahan yahay tanaasul si hormarku uu usii socdo, waxa uuna balan qaaday in uu la shaqeyn doono Gudoomiyaha Cusb ee la doortay.

Waxaa isna munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Cusub ee Dalada Badbaado Daahir Axmed Soofe, Asagoona sheegay in dalada horay uu uga tirsanaa islamarkaana haatan uu noqday Gudoomiyaha Daladaasi waxa uuna kaga mahad celiyay Cabdi raxman Nadaara sida wanaagsan uu uga soo shaqeeyay hormarka dalada badbaado iyo xil wareejinta nabad galayada ku dheehan tahay ee uu sameeyay, Daahir axmed ayaa ugu danbeyn balan qaaday in uu halkaasi ka sii wadi doono hawlaha daladaasi.

Ugu danbeytii Waxaa Munasabada soo afjaray Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Saadaq Daahir Mire, Waxa uuna hambalyo u diray Ururka Dhalinyarada Dalada Badbaado Xil wareejinta wanaagsan oo ay sameeyeen Asagoona carabaabay in ay mudan tahay arintaan mid lagu daydo, waxa uuna tilmaamay in Wasaarad ahaan ay taageeri doonaan Ururka Dhalinyarada Badbaado.

Sikastaba ha ahaatee Ma'ahan markii ugu horeysay ee Xil wareejin noocaan ah ay sameeyaan Ururka Dhalinyarada Badbaado, Ayadoona tani ay tahay midii sadaxaad.

Caydaruus Axmed Sahal

caydaruus9999@hotmail.com

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|