Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

DADKA IYO JINKA CADAABDAA LOO ABUURTAY. By. OMER SULEIMAN ALI.  

Jun,19,2012 www.Hobyoradio.com

DADKA IYO JINKA CADAABDAA LOO ABUURTAY. By. OMER SULEIMAN ALI.  

Waxaa jirta in culumada diintu markii ay Quraanka tafsiirayaan aysheegaan aayadda macnaheeda iyaga oo si fiican u qeexaya sababta ay ku soodegtay. Hase yeeshee waxaan shaki ku jirin in si kasta oo ay aayaddu uga hadlaysodhacdo gaar ah ay haddana tahay caam. Waxaan kale oo shaki ku jirin in aayaddulee dahay macne dhaqameed taas oo aanay culumada Quraanka fasirtaa kaba hadli.Waxaase jirta culumo uga hadasha si gaar gaar ah oo ah in ay maxaadaro ku sooqaataan aayado waafaqsan. Waxay culumadu u badan yihiin in marka ay Quraankatafsiirinayaan ay ka hadlaan keliya dhinaca taariikhda ee aayadda iyo awooddaAlle laakiin sida uu dadku Quraanka ugu dhaqmi lahaa ee ay nolol maalmeedkoodaugu jaan goyn lahaayeen aanay kala hadlaan. Waxaa la moodaa in culumadaSoomaalidu u badan yihiin axkaamta, laakiin ay ku yar tahay falsafada Islaamku.

Si aan u bayaamiyo aragtida aan kor ku soo tilmaamo waxaan soo qaatayaayadda 56aad ee suuradda Al-Daariyaat وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّالِيَعْبُدُونِ(56) . haddii aan sikooban u sheego macnaha aayadda waa sidatan: dadka iyo jinka in ay icaabudaan mooyee wax kale uma abuuran. Haddii aad sooqaadataan kutubaha tafsiirka dhammaan intaas ka badan ma sheegayaan. Intaas waxka dambeeya ma laha miyaa? Maya ee wax weyn ayaa loo baahan yahay in lagahadlo, waxaas oo ah sidii aayaddan loogu dabaqi lahaa nolol maalmeedka ruuxamuslimka ah.

Markii aan arko macnaha aayadda waxaa igu soo dhacaysa in loo baahanayoin la helo waqti uu ruuxu caabudo Alle taas oo ah ajasha qofka ama inta uuqofku adduunka ku nool yahay. Waxaa kale oo is kay tusaysa in ay jirto ajalkale oo ah inta adduunka korkiisa Alle lagu caabudayo oo ah ajasha qiyaame.Arrinkaas ajalahana wuxuu Alle noogu caddeeyey aayaddan hoos ku dhigan.

هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ طِينٍ ثُمَّ قَضَىأَجَلًا وَأَجَلٌ مُسَمًّى عِنْدَهُ ثُمَّ أَنْتُمْ تَمْتَرُونَ(الأنعام 2).

Manaha aayadda: iyada oo uu Alle idinka abuuray dhoobo uunaidiin qoray muddo aad jiraysaan iyo muddo kale oo agtiisa ka jirta ayaad weliwaxaad shaki ka qabtaan.

Marka sidee aayaddan loogu dabaqaa nolol maalmeedka ruuxa muslimka ah?Aayaddu way caddahay waxayna noo sheegaysaa in Alle uusan wax kale noo abuuranin aynu isaga caabudno mooyee. Ugu horrayn waa in la garto waxa loola jeedocaabuda. Haddii aan si kooban u sheego ereyga عبد waa Carabi macnahiisuna yahay addoo u noqosho marka wuxuu Allenoo abuurtay in aynu u hoggaansanno oo wixii uu naga reenayna ka hadhno wixiiuu na farayna yeelno, isaga mooyee kolay ku tahay hawda beenta ah ee naftaadaiyo cid kale toona in aadan waxba ka yeelin isaga mooyee.

In uu Alle noo abuuray in aynu isaga mooyee cid kale caabudin waxaymeesha ka saaraysaa in aynaan ku mashquulin wax uusan noo abuuran ama naga xilsaarin.Halkaas waxaa laga fahmayaa in manhajka nolosha ruuxa lagu saleeyo sida u Alleugu talada galay oo keliya. Waxaa kale oo aayaddan ka muuqata in wax kasta ooruux samaynayo uu waafajiyo sida Alle doonayo. Matal haddii qof ama kooxidhibaato kuu geysato kitaabkii Alle iyo sunnadii rasuulka dib u eeg waxa ayarrinkaas kugu dhacay ay amar ka bixinayaanna raaca ee adigu masaxdaada ha kalaimaan hab kale oo aad arrinka wax ugua qabanaysid.

Wuxuu Alle arrinkaas noogu sheegay aayaddan dhahaysa in haddii aad isqabataan aad ula laabataan wixii Alle iyo rasuulku ka dheheen khilaafka idindhex maray.

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَوَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍفَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِالْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا(النساء 59).

Kuwa xaqa rumeeyaw Alle, rasuulka iyo madaxda idinka midka ah maqla oowaxna ha ka diidina, haddii aad wax isku qabtaanna ula laabta kitaabka Alle iyosunnadii rasuulkiisa scw haddii aad tihiin kuwo rumaysan Alle iyo maalinkaxisaabka qiyaame sidaas ayaa idiin roon idiinna aayo wanaagsan.

Marka wuxuu Alle dadka iyo jinka u abuurtay in ay caabudaan oo keliyawaxaa laga garan karaa in uu lee yahay mar kasta iyo xaalad kasta aniga icaabuda oo cibaadayda ku sugnaada, wixii dhibaato idin ku dhacana kitaabka Alleiyo sunnada rasuulka ugla laabta ee idinku maskaxdiinna wixii aad doontaan haka samaynina. Shar iyo khayr wixii idin ku dhaca sida aad ka yeelaysaan kaqaata kitaabka Alle iyo sunnada rausuulka.

Annaga nalooma abuurin in aynu xallinno dhibaatada jirta hase yeesheexalkeeda Alle ayaa iska leh waxaase annaga nalaga doonayaa in aynu bariinsannociabaadada Alle. Haddii aynu xalka dhibaatada ku doonno ama u marno jidka Alleoo aynu ku guulaysanno xalkiina gaadhno waxay ku dhacday idanka Alle ee kumadhicin awood aynu innagu lee nahay. Haddii aad u hawl gasho arrin khayr ah ooAlle kugu guuleeyo macnaheedu waxa weeye adigu falkii oo ku mudan cibaadadaAlel ayaad la timid laakiin Alle ayaa suurto geliyey. Haddii aad wax shar ah ookula fiican aad u hawl gasho kuna guulaysato sida Shariifka xukuma TFGda wuxuumadax ka noqday oo uu daafacay gaalo dad Islaam ah u laynaysa in ay Alle iyorasuulka rumeeyeen keliya. In uu noqdo madaxweyne sidii uu jeclaa ma aha arrinkhayr u ah laakiin waa u hoog iyo cadaab Alle oo ka dambaysa.

In uu shariifku tooba lee yahay in iyo kale Alle ayaa iska leh laakiingaraadkayga gaabani wuxuu i tusayaa shariifku wuxuu ku sugan yahay wixii uuAbii Lahab ku toobadda seegay oo ahaa cabudhinta diinta Islaamka. Xataa haddiiuusan ahayn ma marka horeba i marinay jid shaki ku jiro. Wuxuu ahaadardaarankii rasuulka scw ka tag waxa shakigu ku jiro oo aad waxa uusanshakigu ku jirin.

وَمَا خَلَقْتُالْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ(الداريات 56) waxaa laga garan karaa in ay tahay markii dhibaato ku haleeshowad oo ha ka tegin cibaadada Alle markaas ayuu Alle kaa qaadayaa dhibaatadii kuhaysay. Dadku wuxuu ku foogan yahay wax uusan isagu shaqo ku lahayn waxna kaqaban karin uuna is moodo in uu isagu wax ka qaban karo, taas oo ah runtiidhaqanka gaalada. Haddii uu Alle kuu suurto geliyo sida shariifka oo kale in uuku siiyo maskaba aad ku heshay jid aan ahayn kii Alle macnaheedu waxa weeyewaxaad tahay cadaab lagu cadaabayo dad dhibaato geystay. Sida uu Alle u sheegayin ay cadaabtu ugu shadanto dhagxan iyo dad ayaa cadaabka adduunkuna ugushidmaa dadka. Marka waxaan ka baxayaa in kooxda Shariifku ay noqdeenshidaalkii gubayey qolo dhaqan qilaaftay Alle oo diiday in ay xaqa ku sugnaadaan,ee yuusan isu bogin.

Ninkii idanka Alle waayey madaxnimada Soomaaliya dad ayaa u arka in uuqasaaray haba ka yaabin ninkii Alle maanta ka samata bixiyo in uu Soomaaliyahoggaamiyo waa nin Alle u roonaaday oo uu jecel yahay.  Laakiin kuwa oo xukunka daaquudka ah kufaraxsan ayaa tacab qasaaray. Waxaa hadda suuqa la soo geliyey in la dhisayodawlad Soomaaliyeed oo rasmi ah markaas ayaa lagu yaacay dadka u sharraxanmadaxweynenimadu waxaa la lee yahay 100 kama yara. Waxay dadkaasi rumaysanyihiin in beesha caalamku u lee dahay awood in ay dhisaan dawlad Soomaaliyeed,rumayntaas ayaa gaalnimo ah waayo Alle la ‘aantiis cid wax dhisi kartaa majirto.

GUNAANAD:

Soomaaliyeey idinka idiin ma taal xallinta dhibaatadu ee wax uu Allegaar u lee yahay awoodda kala waddan adduunka idinku saami kuma lihidin ee Alleiyo kitaabkiisa ha loo soo laabto hana la toobad keeno. Xalka ummadana ha looceliyo kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka.

Waxaan lee yahay nimanka la baxay Somaliland kitaabkii Alle iyo sunnadiirasuulka waad qilaafsan yihiin ee ka jooga yaanay waxa ku dhacay koonfuriidinku dhicin eh. Waxaan idiin soo daliilsanayaa aayaddan hoos ku qoran:

كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَهُوَ كُرْهٌلَكُمْ وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّواشَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ(البقرة216). 

Waxaa la idiin qoray dagaal waana wax la neceb yahay waxaana dhici kartain wax aad neceb tihiin idiin yahay khayr wax aad jeceshihiinna idiin yahayshar, waxa sharka idiin ah iyo wax khayrka idiin ah Alle ayaa og ee idinkuwaxba kama ogidin.

Waxaan aayaddan ka fahmayaa in waxa sharka noo ah iyo waxa khayrka nooah aynaan kala garan karin hase yeeshee uu Alle kala og yahay uuna weligiisbakhayrka nala doonayo ee amarkiisa ku socda wixii khayr ah isaga ayaa idiin hayaoo idin siinaya eh. Marak Somaliland in ay goostaan waxay u arkaan in ay utahay khayr, ma xog ogaha maraglayda iyo maragleyda yaa u sheegay mase waxay kusocdaan dhaqankii laga dhaxlay gaalada oo ay run u haystaan? Midda kale in aadgo’aysaan iyo in kale ma kala garanaysaan ee xadgudubka aad dadka islaamka kagelaysaan iska ilaaliya. Ruux walibana ha ogaado in uusan cid wax yeeli karinidanka Alle la’aantiis.  

Marka kuwa dhibaatada ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed haysta maalinkasta maskaxdooda wixii ku soo dhaca ama wixii ay gaalo ula timaaddo oo xal kusheeg ah ka daba ordayaa sow cibaadadii Alle ma hareer marin oo ma caabudaanmaskaxdooda iyo gaalada ay daba nash lee yihiin.

Ciddii qabta in xalka ummadda Soomaaliyeed yahay waxa ay gaaladumaalinba meel inoogu shirinayaan ma aha xalka ee xalku waa in Alle loo laabtola wada toobad keeno cibaadada Allena la xoojiyo oo la sugo. Khayrkana lootartamo ee aan loo tartamin sida shaydaan iyo gaalo loogu kala dhawaan lahaa.

وَلَا يَحْزُنْكَ الَّذِينَ يُسَارِعُونَ فِيالْكُفْرِ إِنَّهُمْ لَنْ يَضُرُّوا اللَّهَ شَيْئًا يُرِيدُ اللَّهُ أَلَّا يَجْعَلَلَهُمْ حَظًّا فِي الْآخِرَةِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ(آل عمران 176). يَاأَيُّهَاالرَّسُولُ لَا يَحْزُنْكَ الَّذِينَ يُسَارِعُونَ فِي الْكُفْرِ مِنَ الَّذِينَ قَالُواءَامَنَّا بِأَفْوَاهِهِمْ وَلَمْ تُؤْمِنْ قُلُوبُهُمْ وَمِنَ الَّذِينَ هَادُوا سَمَّاعُونَلِلْكَذِبِ سَمَّاعُونَ لِقَوْمٍ ءَاخَرِينَ لَمْ يَأْتُوكَ يُحَرِّفُونَ الْكَلِمَمِنْ بَعْدِ مَوَاضِعِهِ يَقُولُونَ إِنْ أُوتِيتُمْ هَذَا فَخُذُوهُ وَإِنْ لَمْ تُؤْتَوْهُفَاحْذَرُوا وَمَنْ يُرِدِ اللَّهُ فِتْنَتَهُ فَلَنْ تَمْلِكَ لَهُ مِنَ اللَّهِ شَيْئًاأُولَئِكَ الَّذِينَ لَمْ يُرِدِ اللَّهُ أَنْ يُطَهِّرَ قُلُوبَهُمْ لَهُمْ فِي الدُّنْيَاخِزْيٌ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ(المائدة 41).

Markaas ayuu Alle keenaya xal khayr ah oo ummaddu ku faraxdo laakiinbeesha caalamka Maraykan midna ma keeni karo xalka ummadda.

DARDAARAN.

Ahaada kuwo Alle caabuda mar kasta iyo xaalad kasta abaar iyo aaranba,xalka dhibaatadana Alle u dhaafa. Xilkiinna ka soo baxa Allena wixii uu ballanqaaday waa noo fulin doonaa eh.

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ رُسُلًاإِلَى قَوْمِهِمْ فَجَاءُوهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَانْتَقَمْنَا مِنَ الَّذِينَ أَجْرَمُواوَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ(الروم 47).

Markii aanuu ummad u soo dirno rasuul ka mid ah waxaannu ka aar goynaakuwii dembiayda ka galay waana xaq aannu isu saarnay in aannu u hiilinno dadkamu’miniinta ah.

Dabcan dadka aan mu’miniinta ahaynna waanu ka hiilinaynaa ayaa aayaddaku duugan.

OMER SULEIMAN ALI.        

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|