|
Mahad Gaar Wariye Cabdalle M Cabdille oo u Taagan Soo tabinta wararka Deegaanka Galmudug State. By. C/aziz Xogolof |
Dadaalo badan oo dhanka nabadda ah ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay ka soconayay deegaano badan oo ak tirsan gobolada Mudug iyo Galagaduud dadaaladaan dhanka nabadda ah oo ay hormuud ka yihiin culimo udiin ka soo jeeda beelo horay diriri ugu dhex martay deegaanadaas ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadanya masu’uliyiin ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug state.
.JPG)
.JPG)
.JPG) |
.JPG) |
| |
|
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Dadaalka dib uheshiisiinta ayaa yimid kadib amarkii ay codsi la soo gaarsiiyay culimadaas udhalatay beelaha walalaha ah ee SACAD iyo SALEEBAAN Codsigaan ayaa kayimid odayaasha beelaha horay ugu dagaalamay deegaanada baadiyaha ah ee Mudug iyo Galgaduud ka tirsan oo mudo ka badan sadex sano calaado ka dhex taaagnayd Kulamada dib uheshiisiinta ah ayaa waxa ay u qabsoomeen dhawr waji waxaan kii koowaad oo ay iskugu yimaadaan min todobo xubnood oo hor udhacna ahaa uu ka dhacay magaalada qayadara ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah meelaha sida aadka ah colaadu usaamaysay bur bur xoogana uu ka muuqdo sida aad ku arkaysaan sawirada aan kasoo qaadnay.
.JPG)
.JPG)
Waxaana kulankaas hor udhaca ahaa wada tashi kadib la isku afgaratay laguna heshiiyay qoadbo hor udhaca heshiiska u ah ayna k mid tahay In shareecada islaamka lagu dhaqmo, In laga wada shaqeeyo dib uheshiisiin, iyo in dib loogu soo laabto dadkun ay soo dagaan deegaanadii colaadaha looga barkacay.
Guddiyo iyo culimo udiin ka tirsan beelaha walaalaha ah ee dagaalamay ayaa dadaal dheer ugalay in ay soo uruuriyaan odayaasha, wax gardka iyo inta taladu ka go’do waxaan deegaano ay ka mid yihiin bajeela,baxdo,maarsa mgo, iyo meelo kale oo tuulooyin ah laga soo qaaday xubno matalaya dhinacyada nabadda laga dhex wado.
Waxaana la iskugu keenay magaalada qayadara oo ah magaalo bur bur xoogan oo dagaaladii ah ay ka muuqdaan isla markaana meel cidlo ah ahayd waxii ka horeeyay markii dhinacayda culimada ee dhex dhex dhexaadinta wada ay yimaadeen amaanka guudna ay ciidamo loo diyaariayay sugeen
Waxana magaalada qayadara oo 130km gaalkacyo u jirta ka dhacay kulan aad ubalaaran oo ahaa wajigii labaad oo ay ka soo qayb galeen culimo udiin odyaal,masuuliyiin katirsan galmudug oo uu ka mid ahaa taliayaha ciidnka Galmudug state Col. C/laahi Cambarre iyo xildhibaan Tahliil axmed colow oo ka tirsan xildhibaanada Galmudug state oo magaalada Gaalkacyo nabadaas uga aaday magaalada Qayadara Kulanka ka dhacay magaalada Qaydara ayaa si weyn la iskugu afgartay waxaana la is tusay in nabaddu tahay mid qaali ah shaqsiyaadka nabad galyo dariada wadana in la iska qabto ayaa gu’aan lagu gaaray.
Waxaa magaalada qaydara oo colaada darteed mid laga guuray oo haawanysa ahayd heshhiiskaas kadib waxaa bilawday in dadkii ay dib ugu soo laabtaan ceelashii biayaha aan loo soo doonan karina dadkii iyo xoolihiina biaabeen in ay soo aadaan Anigoo Cabdalla Maxed Cabille ah oo kulamdaas dib uheshiisiinta ah dhnaka saxaafadda matalayay ayaa soo noqodkeenii oo aan la socday masuuliyiin ka tirsan galmudug waxaan soo marnay dhul badan oo baadiye ah colaada darteedna lama dagaan noqotay iyo wadooyin aan mudo shan sano ah gaadiika iyo daba aysan isticmaalin marka laga reebo kooxo loo baxshay dooxato oo dad ay dilaan raadinaya oo kaliya.
Waxana kulamdaaas dib uheshiisiinta ah oo wali socda lana filayo n deegaano kale lagu baahiyo soo dhaweeyay qaybaha bulshada ee colaadu saamaysay iyo guud ahaan inta nabda jecel ee ku nool gobolada mdug iyo Gal-gaduud ee bartamaha soomaaliya
Waxaan aqristayaasheena sharfta leh ubalan qaadaynaa inaan usoo gudbin doono saworo iyo warbxino muujinaya dadaalada dib uheshiisiinta ee ay wadaan walaalaha isku xil saaray inaan colaad danbe aysan dhicin, {lasoco mar dhaw in sha’allaah}

W/D/Cabdalla M.C/lle
Hobyoradio Galkacyo
GalMudug State SOMalia
Mobil:002529 752260
Cabdalla45@hotmail.com