Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisalwa​saare Gaas oo wali u xusul duubaya kalsooonid​a Odayaasha dhaqanka.

Jun,18,2012 www.Hobyoradio.com

Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisalwa​saare Gaas oo wali u xusul duubaya kalsooonid​a Odayaasha dhaqanka.

Iyadoo wali Magaalada Muqdisho shir uga socdo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyed ee soo xulaya Ergooyinka ansixinaya Dastuurka iyo soo xulida Baarlamaanka cusub ayaa Madaxda dowladda wali wadaan loolanka adag ee ay ugu jiraan sidii kalsoonida Odayaasha u heli lahaayeen.

Musharaxiinta u tartameysa doorashada xilka madaxtinimada ayaa horay ugu eedeeyay madaxda dowladda inay goobo ku soo xirteen Odayaasha, isla markaana ay si kala gaar gaar ah ula kulmaan, iyagoo cadeeyay in Odayaasha aanay wali u madax banaaneyn howshooda.

Madaxweyne Shariif oo dhowaan la kulmay Odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaaday inay soo fududeeyaan xubnaha Ergooyinka ee ansixinaya Dastuurka.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maanta tagay goobta shirka uga socdo Odayaasha dhaqanka, iyadoo ay tahay markii labaad oo uu ka qeyb galo shirka Odayaasha, isagoo u sheegay in howl muhiim laga sugayo waqtigana uu yahay mid gabaabsi ah.

Sida la socotaan howl muhiim ay ayaa la idinka sugayaan, waqtiguna waa gabaabsi, maadaama labo bil ay hartay, waxaa la idinka sugayaa inaa soo xushaan Eergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka dalka iyo soo xulista Baarlamaanka"ayuu u sheegay Ra'iisul Wasaare Gaas.

Ra'iisul Wasaare Gaas ayaa u sheegay in Odayaasha hadii uu xilliga sidaani ku dhamaado ay Soomaaliya geli doonto dhibaatooyin hor leh, mar hadii sidan la isugu raran yahay lana gaaro bisha Agosto oo aysan Dowladda, Xukuumada, Baarlamaan iyo Dastuur jirin.

Haddii iyadoo sidaani la isugu raran yahay August, 2012, la gaaro oo aysan dowladda jirin,Xukuumad jirin, Barlamaan jirin, Dastuur jirin, hadde waad garan gartaan cidlaalagu soo dhacayaa"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo ugu baaqay Odayaasha inay tixgeliyaan waqtigana, loona baahan yahay in shaqooyinka la soo dedejiyo.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday arrimaha la isku hayo ee ku aadan Odayaasha dhaqanka, kuwa saxda ah iyo kuwa aan saxda aheyd, isagoo xusay in la xalin doono qaladaadka yar yar ee jira, hase ahaatee uu aaminsan yahay in Odayaasha ay yihiin kuwii saxda ahaa.

Inkastoo Madaxda dowladda xilligan isku hayaan arrinta Dastuurka ayaa hadana la ogeyn sida ay ugu guuleysan karaan kalsoonida Odayaasha dhaqanka, waxaana jira shakiyo musharaxiinta ka qabaan inay dhacaan arrimo ku aadan xubnaha la soo xulo inay noqdaan xubno dooran.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|