Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Dhalinyarada ka soo jeeda Koonfurta Dalka Soomaaliya islamarkaana ku sugan Deegaanada Puntland oo cabanaya

Jun,17,2012 www.Hobyoradio.com

Dhalinyarada ka soo jeeda Koonfurta Dalka Soomaaliya islamarkaana ku sugan Deegaanada Puntland ayaa ka cabanaya Dhibaatooyin ay u geystaan Ciidamada Maamulkaasi. Waraysi qaade Siraaji halkan kaDhagayso

Qaar ka mid ah Dhalinyarada ka soo jeeda Gobolada koonfureed ee Dalka Soomaaliya islamarkaana Ku sugan Deegaanada Maamulka Puntland ayaa Cabasho Xoogan ka muujiyay Tacadiyo iyo Dilal ay u geysanayaan Ciidamada Maamulka Puntland.

Maxamed Cabdi qaadir Faarax oo ka mid ah Dhalinyarada ka soo jeeda Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya islamarkaana ku sugan Deegaanada Maamulka Puntland ayaa ugu warbixiyay Idaacada Hobyo Tacadiyo loo gestya dhalinyaro ay kharaabo ahaayeen kuwaasi oo Ciidamada PISta Maamulka Puntland kala baxeen Guryahooda iyo Goob Ganacsi ay ku sugnaayeen.

Maxamed ayaa sidoo kale Codsi u diray Madaxda Maamulka Puntland in ay iska siidaayaan Dhalinyaradaas oo u soo ganacsi iyo nabad galyo tagtay Deegaanada Maamulkaasi, waxa uuna sidoo kale ugu baaqay shacabka Puntland in ay ka qayb qaataan sii daynta dhalinyarada ka soo jeeda Koonfurta Dalka Soomaalitya islamarkaana ku xir xiran Xabsiyada Maamulka Puntland.

Sikastaba ha ahaatee Ma'ahan markii ugu horeysay ee Cabsho ka soo yeerto Dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya islamarkaana usoo ganacsi iyo Nabadgalyo Tagta Deegaanada Maamulka Puntland.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|