Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Koox dabley ah oo nin rayid ah ku dilay deegaanka Galinsoor  ee Galmudug.

Jun,17,2012 www.Hobyoradio.com

Koox dabley ah oo nin rayid ah ku dilay deegaanka Galinsoor  ee Galmudug.

 

Kooxo Dabley ah ayaa xalay ku dilay nin rayid ah deegaanka Galinsoor oo ka tirsan gobolka G/gaduud ee dowlad gobolledka Galmudug, sida ay tilmaamayaan wararka halkaasi ayaa waxaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah.

Dilka ruuxan loo geeystay oo dhacay habeen hore ayaa waxaa fuliyay koox dablay ah oo aan haybtooda la garanayn hase ahaatee wararka ayaa tilmaamaya in ay ka soo jeedaan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud..

Xiisadahaan colaadeed  ee ka taagan deegaanka baadiyaha ah ee Galinsoor ayaa ah kuwo soo noqnodey, iyadoo ay salka ku hayaan arimo aargoosi iyo daaqsin deegaamadaasi oo la wada daganyahay.

Ugu danbayntii ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug iyo Maamulka X/xeeb ee ku aadan dilka iyo xiisada colaadeed ee haatan ka jira deegaanadaasi.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|