Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye, iyadoo qaraxan uu si weyn u gil gilay degmada.

Jun,16,2012 www.Hobyoradio.com

Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye, iyadoo qaraxan uu si weyn u gil gilay degmada.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa oo wararka qaar sheegayaan in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu galay saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya C/qaadir Nuur Siiddii oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in gaari Ismiidaamin ah oo uu watay qofka is qarxiyay sida uu hadalka u dhigay uu lasoo aaday meel aan sidaasi ugu fogeyn Kontorolka  Baar Ismaaciil oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugidda, isagoo sidoo kale tibaaxay in gaariga uu ahaa mid ka yimid Magaalada Muqdisho.

Khasaaro ayaa la sheegay in uu ka dhashay goobta uu ka dhacay weerarka Ismiidaaminta ah, waxanaa la tilmaamay in Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ay rasaas dhinacyada u ridayeen islamarkaana ay xireen waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ugu danbayntii Qaraxan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo ismiidaamin ah oo ka dhaca degmada tan iyo markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen degmada Afgooye 25-kii bishii hore.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|