![]() |
||
|
|
||
|
Xarunta dawladaha hoose degmada Gaalkacyo ee Galmudug state oo laga furay xafiisyo cusub. Daawo Sawirada
Jun,15,2008 www.Hobyoradio.com
Munaasabad aad ublaaran oo lagu furayay xaafiisyada xarunta dawladaha hoose degmada Gaalkacyo ee Galmudug state ayaa waxaa lagu qabatay xarunta dawlada hoose Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.
Duqa Magalada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Siciid Salaad Elmi (Sicid Bul Bul) Kusimaha Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdisamad oo Xariga ka Jaraya Xarunta. Taliyaha Ciidanka Galmudug Col. C/llahi Cambarre Munaasabadda oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug satate iyo marti sharaf kale ayaa waxaa ugu hoorayntii ka hadalay oo qudbo qiimo leh ka soo jeediayay duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug mudane Inj.Saciid Salaad Cilmi {Saciid Bulbul} waxa uuna sheegay in xaafiisyada dawladda hoose oo qayb ka mid ah uu horayn ufurnaa isla markaana mashquul iyo culays jiray Awgeed ay dib udhac ujireen waxa uuna gudoomye Saciid Bul Bul ugu bisaareeyay shacabka Galmudug in maanta wixii ka danbeeya ay furan yihiin dhamaan xaafiisyada dawladda hose ee Galmudug State. Gudomiyaha gobolka Mudug ee DG Galmudug Mudane Xasan farax Barre Gudomiyaha gobolka Hobyo ee DG Galmudug Mudane Max'ed Ahmed Caalin Waxaa masuuliyiinta munaasabadda furitaanka xafiisyada dawladda hoose ee dawlad goboleedka Galmudug state ka hadalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dawlad goboleedka Galmudug mudane Xasan Faarax Barre,Gudoomiayaha gobolka Hobyo ee Galmudug Col. Max’d Ax’e Caalin, Taliayhaha guud ee ciidamada Galmudug Col. C/laahi Canbarre Siyaad, Gudomiyihii gudiga Abaaraha ahna Maamulaha shirkada Hobyo Development Combany (HDC) Cumar Maxuud Rooble {Cumar suuri} oo ka tirsan jaaliyadda dibadda GalMudug state iyo xubno kale oo munaasabdda ka soo qayb galay. Naba'doon Cusmaan Nuur Qayd Waxaana ugu danbayntii xarigga ka jaray xaafiisyadaas cusub dawladda hoose ee Galmudug state ku simaha madaxweynaha Galmudug mudane Cabdi Samad Nuur Guuleed Ugu danbayna munaasabdda ayaa jawi wanaagsan ku soo dhamaatay Cabdalla M. C/lle Hobyoradio Gaalkacyo GalMudug State SOMalia Mobil:002529 752260 Cabdalla45@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||