Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
MSF oo Jowhar ka furtey Waaxo Cusub oo wax looga qabto Qaaxada .

Jun,15,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Halkan ka dhagayso gudbooyinkii laga jeediyay dhagaxdhiga Jaamacada Mudug ee Galmudug Dhagayso wararkii Idaacada Hobyo ee Jan,19,2010 Dhagayso
  

MSF oo Jowhar ka furtey Waaxo Cusub oo wax looga qabto Qaaxada

Ururka bani’aadamnimada ee caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa 5tii Juunyo waaxo cusub oo lagu daweeyo qaaxada ka furey laba ka amid ah xarumiha caafimaadka ee uu ku leeyahay Gobolka Shabeellaha Dhexe. Waaxahan cusub waxa ay bixin doontaa adeegyo lacag la’aan ah oo tayo leh, oo ay ka mid yihiin baaritaan, daaweyn oo la siiyo bulshooyinka ku nool degaannada ku hareereysan mahaddaay iyo Gololeey.

“Qaaxadu waa dhibaato weyn oo caafimaadka dadweynaha la xiriirta oo Soomaaliya ka jirta waxaana ay sanad kasta dishaa ku dhowaad 5,500 oo qof. Aad ayaa ay dadku ugu adag tahay in ay helaan daaaweyn lacag la’aan ah iyo daryeel tayo leh oo la xiriira cudurkan. Bulshooyinka reer miyiga ah ee ku nool gobolka Shabeellaha Dhexe ma helaan daaweynta qaaxada waxaana tas-hiilaadkan loo furey si ay wax uga qabato baahidan muhiimka ah”, ayaa ay tiir Monica Camacho, oo ah Madaxa Ergada MSF ee Soomaaliya.

Waaxahan bukaan-socodka ee cusub waxa ay noqonayaan kuwii ugu horreeyey ee noocoodo ah ee u adeega bulshada reer Mahaddaay iyo Gololeey. Waxaa horeba labada gooboodba loogu arkey dad looga shakisan yahay in ay qabaan qaaxo kuwaas oo la rajeynayo in waaxahan cusubi ay ku bilaabaan baaritaan ayna daaweeyaan haddii la xaqiijiyo in ay cudurka qabaan. Daawada ka sokow, waxaa goob kasta ka shaqeyn doona laba la-taliye iyo Shaqaalaha Caafimaadka Bulshada kuwaas oo bulshada wacyigelin doona oo siin doona casharro waxbarashada caafimaadka ah oo ku saabsan qaaxada.

“In kasto oo ay carqaladahu jiraan, hadana MSF waxaa ka go’an  fidinta daryeel caafimaad gudaha Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay in ay noo suurta gashay in aan ka bilowno  shaqadaan Gobolka Shabeelaha Dhexe” ayay raacisay Monica Camacho.

MSF waxa ay daryeel caafimaad oo aasaasi ah ku bixisaa shabakad afar xarumood oo caafimaad ah oo ku yaalla miyiga iyo magaalooyinka degmooyinka Jowhar, Mahaddaay iyo Balcad. Sanadkii 2009kii, 118,968 qof ayaa la-talin caafimaad iyo daaweyn lacag la’aan ah heley waxaan 26,542 haween ah ay la-talinta ka horreysa iyo tan ka dambeysa dhalmada ku heleen bukaan-socod-eegtada. In ka badan 5,336 carruur ay hayso nafaqo-xumo ah ayaa lagu aqbaley xarumaha quudin-ku-daweynta si looga daweeyo nafaqo-xumo iyo si wax looga qabto dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha nafaqo-xumada. Carruur ay wadartoodu tahay 1,666 ayaa ku dhashey xarumaha caafimaadka. Bishii Luulyo  ayaa kooxaha MSF waxaa ay xakameeyeen jadeeco ka dillaacdey Jowhar, iyaga oo dad ka badan 1,000 qof ku daweeyey xarumaha dadka gudaha ku barokacay ee ku yaalla Jowhar dhexdeeda iyo 3,756 oo ay ku daweeyeen Balcad, Warshiikh iyo Ceel Macaan. 62,132 carruur ah ayaa la tallaaley.

MSF waxa ay Soomaaliya si joogto ah uga shaqeyneysaa ilaa 1991 waxaana ay hadda joogtaa siddeed gobol oo kala ah: Banaadir, Baay, Hiiraan, Galgaduud, Jubbada Hoose, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Mudug.

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|