Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Maamulka somalilana​d oo maanta shaacisay in ay 5 xubnood u dirayaan wadahadala​da soomaliya iyo somaliland

Jun,14,2012 www.Hobyoradio.com

Maamulka somalilana​d oo maanta shaacisay in ay 5 xubnood u dirayaan wadahadala​da soomaliya iyo somaliland

Maamulka Somaliland ayaa maanta magacaabay shan xubnood oo uga qeyb galaya wada hadalada dhowaan la filayo inay dhex maraan iyaga iyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo xubnahan cusub ay ka dhex muuqdaan Axsaabta Siyaasada Somaliland.

Gudigan 5-ta xubnood ah ayaa waxaa Gudoomiyaha u ah Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, waxaana la sheegay in dhowaan u ambabaixi doonaan Magaalada London.

Wada hadalada labada dhinac ay yeelan doonaan ayaan ka soo qeyb geli doonin Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Maamulka Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale ayaa u sheegay BBC-da in xubnahan cusub ee Somaliland uga qeyb galaysa wada hadalada Soomaaliya aysan ka hadli doonin mowqifka ay horay u qaateen ee ahaa inay gooni isu taageen.

"Shirka London ka dhici doonaa waxaa uu gogol xaar u yahay shirar kale, go'aanka Somaliland horay u qaadatay ee ahaa inay gooni isu taagtay waa lama taabtaan, wax gor gortan ahna kuma jiraan"ayuu yiri Mr Ducaale.

Xubnaha Somaliland ay u magacawda inay wada hadalada uga qeyb galaan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibada oo Gudoomiyaha gudiga ah Dr. Maxamed Cabdulaahi Cumar, Gudoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaashi Cali, iyo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad.

Si kastaba ha ahaatee wada hadalada la filayo inay dhex maraan labada dhinac ayaa qeyb ka aheyd qodobadii ka soo baxday shirkii London ee bishii Febraayo, waxaana xubnaha Gudiga wada hadalada oo horay Dowladda ugu magacawday ay yihiin sidooda, iyadoo aan la ogeyn in is bedel lagu sameyn doono iyo in kale

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|