War Deg deg ah. Maamulka Galmudug  oo Bandow kusoo rogay magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Jun,12,2008  www.Hobyoradio.com

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa Bandow kusoo rogay habeenkii magaalada Gaalkacyo ayadoo ciidamada Booliska iyo waliba kuwa gaashaaman ee tiknikada wata  ay ku wareegayeen habeenkii xalay wadooyinka magaalada Gaalkacyo.

Bandowgan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu faraha kabaxay amniga Xaafadaha Horumar, Wadajir,  iyo Garsoor oo ay kadhaceen dilal ay ku nafwaayeen dad badan maamihii lasoo dhaafay.

Maalinamadii Isniinta ayay ahayd markii ladilay Sheekh  Mu’adin ka ahaa masjid ku yaal xaafada Garsoor , dilkan ayaa loo malaynayaa inay kadambayso aano  qabiil taasoo katimid horaantii bisha June nin lagu dilay Miyiga magalada Gaalkacyo.

Nin Ganacsade  ahaa ayaa sidoo kale shalay lagu dilay isla xaafada Garsoor, Dilka dadka rayinka ah ee aanada loo dilayo ayaa kusoo badanaya Gaalkacyo ayadoo hadaan wax laga qaban uu keeni karo isku dhac beelaha meesha wada daga, Maamulka Galmudug ayaa dhinaciisa  ku daba joogay cidii falkaasi gaysatay balse aan wali waxba gacanta kusoo dhigin.

Magalada Gaalkacyo ayaa noqotay meel nabadgalyadeedu sii xumaanayso ayadoo magaalda Gaalkacyo ay kawada  arimiyaan labada maamul ee Galmudug iyo Punlaan.

Dhinaca Punlaan ayaa waxaa kadhacay qaraxyo ay dad ku dhinteen dadkalena ku dhaawacmeen ayadoo wali aan lasoo qaban cidii falkaasi gaysatay.

Magaalada Gaalkacyo oo si weyn loo daganyahay ahna Suuqa gobolada Koofurta iyo Waqooyiga somaaliya  ayaa dadka dagan waxaa soo foodsaartay cabsi  weyn ee ku aadan dilal qorshaysan oo dhacayay maamihii lasoo dhaafay magaalada.

C/llahi Cabdi Jamac

cabdulahi112@yahoo.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com