|
YAA KA MASUUL AH LUNSASAHADA DHAQAALAHA(MACAL CUNE SOO BIXI).
Jun,12,2012
www.Hobyoradio.com


YAA KA MASUUL AH LUNSASAHADA DHAQAALAHA(MACAL CUNE SOO BIXI).

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo
Suubane(Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)masuuliyada iyo xilka
ayaa ah amaano raxmaanku ku eegaayo adoomihiisa waana mid aad
iyo aad culeeyskeeda leh hab cadaalad leh xaq soor leh sinaan
leh oo dhameeys-tiran basharku ma la imaan karro laakiin waxaa
la isku dhaama Allah ka cabsiga iyo xoogaa dadaal ah ama damiir
wanaag ah iyo hufnaan qof ahaaneed(inkastoo amaano dhoowre aad
iyo aad ugu yar yahay somaalida gaar ahaan waqtigan).
Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab muwaadiin somaaliyeed oo xaq difaaca,
run ka hadalka iyo danta guud illaaliye ah waxaan qormadan maanta
ku eegaaya fadeexada fool-xumadeeda leh(ceebta iyo cambaarta madoow
guud ahaan magaca somaaliyeed)fadeexada musuq-maasaqa maaliyadeeda
oo si cad Bankiga Aduunku dusha ugu tuuray xukuumadda somaaliyeed
ee xiligan laguna soo bandhigay shirkii Istanbuul Turkiga si weyna
waji gabax ugu noqotay guud ahaan masuuliintii heer qaran oo shirka
joogeey gaar ahaan Mudane-Dr-C/Weli Gaas iyo xubnihii golihiisa oo
ah kuwa eedo musuq-maasaq ama xatooyada farta ku fiiqeeyso lacagta
la lunsaday ayaa lagu qiyaasay(130 Malyuun)dhaqaale aad iyo aad u
badan oo sida la sheegay loogu tallo galay taakuleeyn,gargaar iyo
wax kaga qabasho dhibaatooyin culeeyskooda leh oo markaas taagnaa.
Hadaba fadeexadaas ka dib xukuumada somaaliyeed ee Dr-C/Weli Gaas
waxeey isku deeyday iska difaacida eedeentaas culeeyskeda leh sida
weyn u dhaawaceeysa shakhsiyadooda waxaana ugu dameeyeey hadalka
Proff-Gaas wuu ku tilmaamay wax kama jiraan warbixinta Bankiga
Aduunku ku soo bandhigay Istanbuulisla markaana wuu yirri wax cad
oo la taaban karro warbixintaasu ma qeesiin,hadaba anigoo hadalka
Proff-Gaas tixraacaaya isla markaasna isha ku hayo fadeexada iyo
eedeeynta dhaqaale lunsashada waxaa ila haboon in si cad arrinta
loo baadho lagana aamusiin hab baaritaan rasmi ah la sameeyo oo
dib loo eego cadeeymo warbixintaasu wadato iyo meesha lacagtaasu
ka baxday hadii eey gacanta xukuumada soo gashay,waxaa kale oo is
weeydiin leh warbixin been ah wuxuu ka faa'iidaaya bankiga iyo
Hey'adaha maaliyada aduunku?Lunsashadu ka ahaato xiligii Xukuumadii
Dr-Cumar C/Rashiid ama Xiligii Proff-Farmaanjo waxaa looga fadhiyaa
Xukuumadda hada joogta in eey arrinmahaas daba gasho oo baaritaan
Rasmi ah ku sameeyso(Masuuliyada saaran awgeed).
Waxaan halkan baaq wadaniyadeed uga soo gudbinaayaa guud ahaanba
somaalida inteeda damiirka nool,dareenka qarameed iyo dal jaceylka
leh(somaalida nool)in eey arrintaas daba gal dhab ah ku sameeyaan
lana raadiyeey xaqiiqada dhabta ah anigoo baaqan ama fariintan si
toos ah ugu gudbinaaya:-
-Xisbiga Hiil Qaran.
-Xisbiga Nabadda Somaaliyeed.
-Xisbigga Midnimadda Somaaliyeed.
-Ururadda Garyaqaanadda Somaaliyeed.
-Ururadda Saxaafadda iyo Warbaahinta Somaaliyeed.
-Golaha Sarre ee Culimaa-udiinka Somaaliyeed.
-Ururka Haweenka Somaaliyeed.
-Ururadda Dhalinyaradda Somaaliyeed.
-Jaaliyadaha Qurba Jooga ah.
-Looyaradda Madaxa Banaan.
-Xeer Illaaliyadda Guud ee Qaranka.
-Gudoonka Maxkamadda Sarre.
Fiiro gaar ah:-maxkamadda G/Banaadir waxeey xukun dheer ku riday
Nin eey ku soo eedeeysay lunsashada lacag dhan 48.000,bal aan Maxkamadda sarre weeydiiyo miyaaneey xilkeeda ahaan baaritaanka
Musuq-maasaqa dhaqaalle iyo lacag lunsashada Xukuumada Somaliyeed
lagu eedeeynaayo mise sharciga weey ka sareeyaan,dadka damiirka
leh oo gudaha iyo debedaba ku sugan waa in eey qaadaan tallaaboon
cambaareeyn iyo banaan baxyo lagu codsanaayo baaritaan rasmi ah
cidii masuuliyadeeda lagu helo cadaalada la hor jeeyo,mise xaalku
waa sidii lunsashadii xukuumadii Proff-Geedi iyo aamuus dheere
iyo sheekadii(Tuuga Tolka),inkastoo lacagtaasu sun tahay waayo:-
waa Taakuleeyn,Gar-gaar iyo Caawiin loogu tallo galay dad dhiban
barakacsan oo gaajo iyo silic u dhimanaaya wallee waa sun weeyna
ku maqantay kuwii cunay(Sun laqayaasha)Alloow garsoor xaq ah iyo
Nidaamka amaana dhoowri karaaya iyo masuuliin damiir iyo dadnimo
leh oo dalkooda difaaca dadkiisa daryeel-aamiin,aamiin,aamiin.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Jun-10-2012.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|