Maamulada Galmudug iyo Punlaan oo  wadahadal kadib heshiis gaaray iyo Airportiga Gaalkacyo oo dib loo furay.

Jun,1,2008  www.Hobyoradio.com

Xaalada magalada Gaalkacyo ayaa caadi kusoo laabatay kadib wadahadal ay  galeen labada Maamul Galmudug iyo Punlaan.ayadoo ay soo fariisteen Airpoorka  laba diyaaradood oo Nayroobi kayimid.

       Airporka Gaalkacyo oo hada kahor lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Galmudug Mudane              Max'ed Warsame Cali (Kiimiko)

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Xuseen C/lle Aw Cali oo saxaafada u waramayay ayaa sheegay  Galmudug dadaal badan ayay ku jirtaa arintan lagu xakamaynayo uguna diyaar garoobayso in laisku yimaado labada dhinac taasoo lagu soo afjari doono qilaafaadka dhamaantiis wax ale  wixii xuna laiska dhaafi doono wixii fiicana laisla qaadan doono,Waxaana hada soo noqday nabadgalyadii,waxaana qaban doonaa xaflad ay isugu yimaadaan Galmudug iyo Punlaan oo aan Saxaafada kasoo qayb galindoono.

Mudane Xuseen ayaa sheegay inay Ciidankii Galmudug ka qaadeen meeshii ay kasoo weerareen Airpoorka Gaalkacyo, ayna Ciidanka dajiyeen meeshii ay awal daganaayeen.

Ururka dhalinyarada Sportiga oo ay ku midaysanyihiin dhalinyarada Galmudug iyo Punlaan ayaa dadaal ay sameeyeen kula kulmay labada Maamul , Gudoomiyaha dhalinyarada C/Nasir Badal Khalaf ayaa sheegay inay la kulmeen maamulka Galmudug kusimaha Madaxweynaha C/Samad Nuur Guuleed, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Max'ed Salaad Du'aale, Duqa magaalada Gaalkacyo Col. Siciid Bul Bul waxaana isku afgaranay inay Nabada nagala shaqeeyaan, waxaana oga mahadcelinaynaa Maamulka Galmudug inay  Ciidankii dul fadhiyay Airporka ka qaadeen.

Gudoomiyaha dhalinyarada C/Nasir Badal Khalaf ayaa sheegay sidoo kale sheegay  inay la kulmeen madaxda maamulka Punlaan Beexaani Ahmed Barre oo isna soo dhaweeyay, C/naasir waxaan ka codsanaynaa duqa magalada Galkacyo ee dhanka Punlaan inay joojiyaan arintii keentay qilaafka oo ahayd in meesha ay ku yaalaan baqaarada waaweyn oo ay deegaamayn kasamaynayeen,islamarkaana ixtiraamaan heshiiskii lagu wada dagay magalada Gaalkacyo oo ahaa in gobolku laba Dagmo u qaybsanyahay, loona siman yahay.

Magalada Gaalkacyo ayaa maamihii lasoo dhaafay qarka u saarnayd inuu dagaal kadhaco, ayadoo hada laga rajo qabo in lasoo afjaro qilaafkii kadhashy faragalinta Punlaan, xasiloonida magaalada Gaalkacyo ayaa dani ugu jirtaa  labada shacab oo hada kahor dagaal ku dhexmaray gobolka Mudug.
 

C/llahi Cabdi Jamac

cabdulahi112@yahoo.com

 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com