|
Cabasho kasoobaxaysa Kaamamka Magaalada Gaalkacyo Xili Dhawaan ay Da'een Roobab Bur burshay Guryo Faradabadan.
May,5,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,5,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso
Cabasho kasoobaxaysa Kaamamka Magaalada Gaalkacyo Xili Dhawaan ay Da'een Roobab Bur burshay Guryo Faradabadan
Masuuliyiinta Kaamamka Kuyaala Gudaha Magaalada Gaalkacyo oo Maanta Socdaal Kuyimid Xarunta Idacadda Hobyo Ee Magaalada Gaalkacyo Ayaa Waxa ay Kacabanayaan Dhibaatooyn Dhanka Nolosha ah oo Kuhaysata Gudaha Magaalada Gaalkacyo Ayagoona kacabanaya Bur Bur Sooajahay Guryihii ay kaganoolaayeen Magaalada Gaalkacyo kadib Roobab Kada'ay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.
Saleebaan Ibraahim Xuseen oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Kaamka Buulo Jawaan Ayaa Waxa uu Kacabanayaa Dhibaato Dhanka nolasha ah oo kajirta Kaamkaasi iyo Bur Bur kuyimid guryihii ay Daganaayeen Ee kuyaalay kaamkaasi waxa uu intaas kudaray in Bur Burkaasi ay Waxyeeleeyeen Caruur yar yar oo haatan yaala iSpitaalka guud Ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Sidookale Masuuliyiintii Maanta Soobooqatay Xarunta Idacadda Hobyo Ayaa Waxaa kamid ahaa Gudoomiye kuxigeenka Kaamka Buulo Bidaar Taar Qaliif Cabdi Waxa uu isna Sharaxaad Kabixiyay Xaalada Ay kunoolyihiin Dadka Barakacayaasha ah Ee Kudhaqan Kaamka Buulo Bidaar Waxa uuna Sheegay in ay Haatan Dadkaan ay haysato Dhibaato Dhanka nolasha ah asagoona Baaq u Jeediyay Hayadaha Samafalka Ee Kahowlgala Gudaha Magaalada Gaalkacyo.
Ugu danbaytii Masuuliyiintii Maanta Soobooqatay Xarunta Idacadda Hobyo ayaa Waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Kaamka Buulo Jawaan Heedaame Muxumed Aadan {Gaagaale} Ayaa sina waxa uu nooga Warbxiyay Dadka Barakacayaasha ah Ee Kunool Kaamka uu Gudoomiyaha kayahay Ee Buul Jawaab Tirada inta ay Gaarayaan Asagoona Sidookale Sheegay in Maalinkasta ay Soogaarayaan Dad Kasoobarakacay Koonfurta Soomaalia oo ay kajiraan Dagaalo aan Dhamaad lahayn Waxa uu Codsi U Diaray Gudoomiyaha Kaamka Buulo Jawaan Gaagaale Hayadaha Samafalka Ee Kaholgala Gudaha Magaalada Gaalkacyo iyo Kuwa caalamka in ay Gurmad U Fidiyaan Dadkaan Barakacayaasha ah Ee Kudhaqan Magaalada Gaalkacyo.
Sikastaba ha ahaatee Ma'ahan Markii Ugu Horeysay ay Cabasho Soojeediyaan Dadka Barakacayaasha ah Ee Kunool Gudaha Magaalada Gaalkacyo mana jirto Cid Dhag jalaq u Siisay Cabashada Ka imaanaysa Dadkaan Kasoobarakacay Guryahoodii oo kuyaala Koonfurta Soomaalia halkaasina ay kajiraan Dagaalo aan Dhamaad lahayn.
 
W/D Rooble Maxamed Diriir
Agaasime Siciid
Xogolof
(Jaani
)
|