![]() |
||
|
|
||
|
Dhismihii Wadada dheer ee isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo oo si Habsami leh u socda iyo Waadiga degmada Wasil oo la dhameeyay.
May,28,2007 www.Hobyoradio.com Waxaa dhawaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Gaalkacyo ee dawlad goboleedka Galmudug state ka bilawday hawl balaaran oo lagu hagaajinaya wadooyinka bur bursan ee magaalada Gaalkacyo.
Qalabka Mudane Cisman Xasan Cali Caato ayaa lagu Dayactiray wadada dheer ee u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Hobyo ayagoo dayactirku marayo degmada Wasil oo ay Jareen wadada waadiga dheer ee ku dara biyaha badweynta Hindia. Waadiga la dayac tiray 27-May-2008 Goor dhow ayaan soo gudbinaynaa Sawiro Cusub Waadiga degmada Wasil ayaa ahaa meesha ugu dhibka badan ee Gaadiidka u socda gobolka Hobyo ay maraan, Mid kamid ah Darawalada Gaadiid ka shaqeeya wadada oo aan maanta ka waraysanay ayaa noo sheegay in si weyn loo hagaajiyay waadiga Wasil oo ay dhib weyn ku qabeen gaadiidleydu. Arintaan ayaa ah mid farxad galinaysa dadka isticmaala wadada dheer ee isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo ee dowlad goboleedka Galmudug state, ayadoo isu socodka labada gobol ee Mudug iyo Hobyo uu u yahay faaiido dadka iyo deegaanada Galmudug State. Gaadiidkii Cismaan Caato oo shalay 27-May-2008 dayactiray waadiga degmada Wasil ayaa u ruqaansaday dhanka Hobyo, ayadoo ay u dhiman tahay meesha ugu daran ee ciida badan ee lagu magacaabo Saqiiro ilaa magaalada Hobyo ee degmada Xays. Wixii kasoo kordha kala soco www.hobyoradio.com
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||