Ururka Haweenka TAWKAL Ee Dalka Norweyn Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Dad Ku Dhibaataysan Magaalada Gaalkacyo Ee GalMudug State. Daawo Sawirada

May,27,2007 www.Hobyoradio.com


Urur lagu magacaabo TAWAKAL oo ay ku bahoobeen gabdho udhashay Galmudug kuna tirsan jaaliyadda Galmudug ee dalka Norwey ayaa deeq lacageed usoo diray dad danyar ah oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee dawlad goboleedka Galmudug state.

Ururka Wadaniga ee Haweenka TAWAKAL  ee Galmudug State

Wasiru Kuxigenka Ganacsiga Galmudug Xabiibo Koofurow

 Gudiga Ururka Tawakal

Madaxa Tawakal Xabiibo oo lacag gudonsiinaysa Agoon

Hooyo Caruur Agoon ah Haysata oo dollar lasiiyay

Marwo Xabiibo oo Nin Indhoole ah oo lacag  gudoonsiisay

Islaan labada lugood iyo Gacan Cuuryaan ka oo lacag lasiiyay

Oday Waayeel ah hadana Cuuryaan ah oo lacag la gudonsiiyayo

Nin Waayeel ah oo Indhala' oo lacag la siiyay

Wiil yar oo madaxa looga jiro oo lacag la gudoonsiinayo

Ilmo Agoon ah oo lacag lasiiyay

Nin Jiis ah oo isna lacag la siiyay

Nin Jiis ah oo Baaskiilad wata oo lacag la gudoonsiinayo

Haween Indha'la oo lacag lasiiyay


Dadkaan ayaa qaarkood ka soo brakacay dhibaatooyinka ka jira magaalada muqdisho ee caasimada u ah soomliya iyo kuwo daruufo kale oo xagga nolosha ah ay haysto kuw naafo ahna ku jiraan oo colaadihii sokeeye qaar ka mid ah lixaadkoodii ku waayay Wasiir ku xigeenka ganacsiga dawlad goboleedka Galmudug ahna gudoomiayaha ururka haweenka gobolka mudug ee Galmudug state Marwo xabiibo koofurow ayaa hobyradio u sheegatay in gabdhaha uruka TAWKALee dalaka Norweyn ay soo gaarsiiyeen deeq lacageed oo dhan 15000,000 {kun iyo shan boqol oo doolar} ayna ururka haweenka horsed u wakiisheen in ay gaarsiiyaan dadka dhibaaytaysan ee magaalada Gaalkacyo ku nool.

Islaan Waayeel ah oo Lacag lasiinayo Dad isugu jira kuwa Indha'la, Cuuryaamiin, Waayeel ah


Waxaana deeqdaan si wanaagsan loogu qaybiayay dadka dhbibaatada xagga nolosha ah haysato sida aad ku arkaysaanba sawirada aan ka soo qaadnay xiligii haweenka galmudug oo marwo xabiibo koofurow hormuud u tahay ay uqaybinayeen deeqdaan walaalaha reer Galmudug ee gabdhaha Tawakal soo dhiibeen In kabadan 3000 sadex boqol oo qof ayaa deeqdaan loo qaybiayay aydoona loo fiirianyay hadba sida ay ukula darnyihiin waxaana xusid gaar ah mudan in dadka deeqda lacgta ah la gaarsiiyay ay yihiin kuwo nolashoodu aad uliidato oo marka aad argato aysanba cunto kuu laqsamaynin dhibaatada daruufta ah ee dadkaasi haysata darteed waxaana dadkaani ka mid ah dadka ka soo qaxay colaadaha ka socdo muqdisho oo qaarkood ku cuuryaamay,kuwo indhoole yaal ah, kuwo luga la’ kuwo maskaxda looga jiro ama waalan,iyo qaar Agoonleey ah.

Dad waayeel ah oo lacag lasiiyay una ducaynaya walalah Norway

Gudiga Ururka Tawakal ee Galmudug State

Tilaabo Ku dayasho Mudan Waalaha Norway


Dadka la gaarsiiyay deeqdaan ayaa uaga mahad Celiayay walaalaha gabdhaha reer galmudug ee ururka haweenka TAWAKAL sida wanaagsan ee ay usooxasuusteen dhibaatdooda iyo deeqda ay usoo direen sidookalana ururka haweenka horseed ee galmudug ayay mahad taa la mid ah uceliyeen oo ay dakaani masaakiinta ah ku amaaneen sida wanaagsan ee ay deeqda walaalaha galmudug ee tawakal usoo dhiibeen ayguna u soo gaariiyeen  Waxay ku tilmaameen gabdhaha ururka tawakal iyo ururka horseed ee galmudug kuwo muujiayay wanaag badan oo dhanka bani aadmnimada ah ayna taariiqda ka galayaan meel wanaagsan F.G.dadka deeqda laceeg la gaarsiiyay ee gabdha uurka tawakal u soo direen waxaa ka mid ah abshiro ax'd nuur oo ah hooyo ku dhibaataysan magaalada gaalkacyo isla markaana ah agoonley mudana ku anuunsanayd magaalada gudeheeda isbitaalka galmudug oo la dhigayna ilaa hadda ay xaaldeeda aad uliidato waxaana duleedka magaalada Gaalkacyo ka degantahay guri cariish ah gabdhaha udhashay galmudug oo helay warbxinta dhibane abshiro axmed waxa ay u si gaar ah ugu soo direen lacag dhan &3000 sedex boqol oo doolar waxaana gaarsiiyay marwo xabiibo koourow sida aad sawiradaba ku arkayso.

 


Haddii aan nahay bahda hobyoradio waxaan amaan gaar ah u celinaynaa gabdhaha uruka Tawakal Galmudug ee dalka Norway talaabada wanaagsan ee ay qaadeen waxaan leenahay ILAAH Ajar ha idinka siiyo deeqda aad ALLA dartii ula baxdeen... Amiiin  By. C/aziz Xogolof  iyo Wariye Cabdalle M. Cabdile
 
 
Cabdalla M.C/lle
Hobyoradio Galkacyo
GalMudug Satate
SOMalia
Mobil:002529 752260
Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com