![]() |
||
|
|
||
|
Mudane Cismaan Xasan Cali Caato oo maanta ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunt dowlad goboleedka Galmudug State.
May,26,2007 www.Hobyoradio.com Mudane Cisman Caato oo howlo shaqo u yimid Galmudug ayaa saaka subaxnimadii ka amba baxay magalada Gaalkacyo,asagoo ku sii jeeda magalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhawaan soo gaaray Qalab uu leeyahay Mudane Cisman Caato oo iskugu jira Tarelayaal xanbaarsan Cagaf Cagafyo, ayadoo lagu dayactiray wadooyinka waaweyn ee magalada Gaalkacyo islamarkaana usii gudbay dayactirka wadada dheer ee isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, qalabkan ayaa lagu wadaa in lagu dhiso Airboorka Hobyo. Xilldhiban Cisman Caato ayaa sidoo kale ka qayb galay shirkweynihii oga socday golayaasha Galmudug degmada Bandiiradleey.deegaanka Galmudug ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaq lagu hormarinayo Maamulka, Dhaqaalaha, Waxbarshada, Caafimaadka, ayadoo ay ku suganyihiin Xilldhibaan Cismaan Caato iyo Xilldhibaan Ahmed Geele Xaaf Milkiilaha Qalabka Mudane Cisman Caato iyo shirkada Hobyo Development Company (HDC) oo uu maamulaha ka yahay Cumar Maxamuud Rooble ( Cumar Suuri) ayaa heshiis ku galay inay maalgaliyaan Airportiga Hobyo.
Mudane Cisman Xasan Caato Gaalkacyo Galmudug State
Jaaliyada Galmudug ee ku dhaqan dunida daafaheeda ayaa waxay Hambalyo iyo bogaadin u diraynaan Mudane Cisman Xasan Cali Caato iyo Maamulaha shirkada Hobyo Development Company (HDC) Cumar Suri shaqada wanaagsan ee ay ka wadaan deegaanada Galmudug State. C/aziz Xogolof San Diego,California Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||