|
Codsi iyo Baaq ku wajahan dhammaan Jaaliyadaha Galmudug
May,26,2010
www.Hobyoradio.com
Waraysigii
Abwaanada
Dhoofa
Khaliif
Halkan
ka
Dhagayso
Hees Cusub fanaanka Gaadaco oo lamagacbaxday Deeqa-
Dhagayso
Codsi iyo Baaq ku wajahan dhammaan Jaaliyadaha Galmudug..


Mudanayaal iyo Marwooyin Walaalayaal, Qurbojoogta reer Galmudug waad salaamantihiin dhammantiin meel aad joogtaanba.
Waad la socoteen in Dawlad Goboleedka Galmudug ay wado dadaalo lagu dhisayo xarumaha Barlamanka, Fulinta iyo Garsoorkuba, Waxaa jirta baahi weyn oo uu maamulku u qabo in la dhiso ama la xirgaliyo xarumo uu hada kusii shaqeeyo.
Sida aad la socoteen waxaa la dhagax dhigay dhulkii la doonayey in laga dhiso Barlamanka iyo Madaxtooyada Galmudug bishii January 23, 2011. Mashruuca waxaa ku yimid hakad kaddib abartii ba'nayd oo bilihii la soo dhaafay ku habsatay deegaanada Galmudug. Dadkaas abartu haleeshay si wanaagsan ayaa loogu gurmaday samata bixintooda waana ku mahadsan yihiin dadka reer galmudug . Tan labaadna waxay ahayd ballamadii la qaaday oo aan u fulin sidii la doonayey.
Waxaa hadda gudaha laga abaabulayaa in Mashruucii dib loo bilaabo dhismihiisii waxaana arrintaas hormood ka ah guddiigii horay loogu magacaabay, Madaxweyne ku-xigeenka Cabdisamad Nuur Guuleed iyo ururada bulshada oo go'aansaday in dhismaha xurumaha gamudug qayb lixaad leh ka qaataan. Waxaa xusid mudan in guddoomiyihii guddiga dhismaha xarumaha Galmudug uu hadda ku sugan yahay Maraykanka asaga oo u ololaynaya sidii fundraising loogu ururin lahaa mashruuca.
Waxaa hadda jira baahi deg deg ah in gurigii Madaxtooyadu deganayd qoladii lahayd ay dawlada waydiisteen in guriga looga baxo. Barlamankuna wuxuu degan yahay hadda guri aad u liita oo aan lahayd Musqul hagaagsan Sidaas daraadeed waxaa laga marmaan ah in la dhiso xafiisyo lagu sii shaqeeyo. Waxaa loo baahan yahay in la dhiso laba dhisme oo aan kharash badnayn oo leh xafiiyo iyo hool shirarka lagu qabto. labada ha'adood BARLAMANKA IYO MADAXTOOYADA waxay u baahan yihiin xafiisyo ay ku sii shaqeeyaan inta la diyaarinayo dhismayaalka SHUBKA ah oo mudo qaadan doona. Dhismayaalka kor ku xusan waxaa laga dhisayaa qaybta hore ee dhulkii loo asteeyey in laga dhiso dhismayaalka shubka ah Barlamanka iyo Madaxtooyada.
Haddaba waxaan qurbojoogta Galmudug ku boorinayaa inay meel iska dhigaan wixii dhaliilo iyo qaladaad ah oo masuuliinta maanta hogganka haysaa oo aan ka mid ahay aynu leenahay una istaagtaan fulinta iyo taabagalinta mashruucaas lagu dhisayo xarumaha Galmudug oo berri noqon doona dhaxalkii jiilasha dambe (Legacy for future generations)
Waxaa kaloo ugu baaqayaa in la qabto (teleconferences) si qurbojoogta Galmudug loogu wacyi galiyo waxtarka mashruucaasi u leeyahay maamuulka Galmudug. Aniga oo ku hadlaya magaca guddiga dhismaha xarumaha Galmudug, waxaan u mahadcelinaynaa jaaliyadaha Galmudug qaarkood oo bixiyey dhaqaalihii lagu bilaabay mashruuca oo kala degan:
BOSTON-MA $3,950, PORTLAND-MAINE $4,000. TORONTO-CANADA $4,000, ROCHESTER-MN $4,OOO, SAN DIAGO-CA $3,000.
SUMMARY COSTS FOR GALMUDUG STATE PROJECTS:
|
No. |
Description of works |
Unit |
Q/ty |
Price:US$ |
Total: US$ |
|
1. |
Parliament Building:
- 10.00x42.70m = 427.00
- 2(3.80x1.80)m = 6.84 |
SQM |
433.84 |
350.00 |
151,844.00 |
|
2. |
State H/Quarter Building:
(two storey building)
- 2(18.60x24.20) |
SQM |
900.24 |
350.00 |
315,084.00 |
|
3. |
Boundary Wall:
- 460.00x 3.30x0.40 |
CUM |
607.20 |
60.00 |
36,432.00 |
|
4. |
Metal Gates |
N0. |
3 |
850.00 |
2,550.00 |
|
Total costs for Galmudug State proposed projects: ………..USD |
505,910.00 |
(Five Hundred Five Thousand and Nine Hundred Ten only)
Prepared by: Eng. Ahmed Ali 02/01/2011
Guddiga xarumaha dhismaha waxaa uga furan xawaalada Dahabshiil xisaab A/cno. D00870 Galkacyo Galmudug State Qasnaji guddigu waa Dr.Maxamad Cabdi Axmad waa agaasimaha Cusbitaalka Galkacyo waxaa kaloo kula qoran Cabdullahi Jaamac Dhoore iyo Xasan Maxamuud Hayl.
Waxaa jiray shakhsiyaad lacag u yaboohay mashruuca internetyada ku qoray yaboohooda fadlan ku shuba lacag xisaabta kor ku xusan lana xiriira khasnajiga Dr. Mohamed Abdi Telphone 25290795652 Galkacyo
Mahadsanidin
Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug
Xasan Maxamuud Hayl
Kala xiriir idaacada
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|