Hobyo int  Airport  oo la Dhagaxdhigay iyo maamulaha shirkada Hobyo Development Company  Cumar Suri oo ka warbixiyay  Mashruuca.

May,25,2007 www.Hobyoradio.com

Shirkada Hobyo Development Company (HDC) iyo Milkiilaha Qalabka Mudane Cisman Xasan Cali Caato  ayaa heshiis ku galay magaalada Muqdisho ku aadan inay ka hirgaliayaan Airpor magalada  Hobyo ee Galmudug State.

Qalabkii mudane Cisman Xasan Cali Caato   oo ku rarnaa 3 Same Traller ayaa waxaa horaantii bisha May Gaalkacyo yimid Caterpiller, 2 Grader, ayadoo ay jidka soo hayaan 1 Baale,2 Ruulo, 2 iska rogo, Booyad  kawasoo kasoo kicitimay  magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa lagusoo dayactiray wadooyinka waaweyn ee magalada Gaalkacyo ee xarunta dowlada goboleedka Galmudug State, ayagoo sidoo kale soo hagaajiyay wadada isku xirta Gaalkacyo iyo degmada Wasil, meelaha ay wadadu ka xuntahay ayaa waxaa kamid ah inta u dhaxaysa Wasil iyo Hobyo oo qiyaastii isu jira 60km ayna ku yaalaan Togaga Biyomareenka ah iyo ciida Saqiiro iyo Hobyo u dhaxaysa.

Airportka  caalamigaa ee magaalada Hobyo ee degmada Xays  ayaa waxaa  la dhagaxdhigay  bisha May-2008, Maamulaha shirkada HDC Cumar Suri  ayaa sheegay in dhagaxdhiga Airportiga uu dabajoogay heshiis ay la galeen milkiilaha Qalabka Cisman Caato.

Maamulaha HDC Cumar Suuri oo ka warbixinaya shirkada  ayaa sheegay in  HDC ay aas aaseen dhalinyaro qurbo jooga oo u dhalatay Galmudug  kuwaasoo kala jooga UK, USA, Canada, Sweden, Norway, Finland iyo Germany, Cumar Suri ayaa shaagay inay tahay shirkadan mid  furan oo ah nuuca Saamilayda  SPA, ayna kusoo biiri karaan cidii danaynaysa ama buuxinaysa sharuudaheeda,

Maamule Cumar Suri  oo warkiisa sii wata ayaa ku tilmaamay baahida keentay shirkadan HDC  inay tahay markay arkeen Khayraadka ka jira gobolka iyo sida Dadkiisu oga baahanyahay ayaan garanay in laga hirgaliyo Airport, Dekad, dhismaha Guryaha  iyo in looga faaideeyo dadka deegaanka  Khayraadka Badda.

Xarunta shirkada Hobyo Development Company  waa magalada Hobyo oo ah xarunta 2aad ee dowlad goboleedka Galmudug. isla markaana waxay  Laanta 1aad kuleedahay magaalada Rochester ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Mudane Cumar Suri ayaa tilmaamay inuu mashruucu u kala horayn doono dhismaha Airporka, dhismaha  Guryaha, Hirgalinyta Warshado Kaluun iyo Xilib, Isgaarsiinta, Korantada iyo Biyo galinta.

Dhagaxdhiga Airportiga Hobyo ee Shirkada (HDC)

Dhulka laga dhisi doono dhismaha Airportiga Hobyo

Qaybkamid ah dhagaxdhiga Airportiga

Meesha laga dhisidoono Guriga Nasashada

 

Maamulaha Shirkada HDCompany..

Cumar Maxamuud  ( Cumar Suuri)

Hobyo, Galmudug State Of Somalia

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com