War deg deg ah. Dagaal culus oo galbat hobyo ku dhex maray xoogaga maxiimta iyo burcad badeeed

May,24,2007 www.Hobyoradio.com

War dge deg ah Dagaal culus oo galbat hobyo ku dhex maray xoogaga maxiimta iyo burcad badeeed

 

Burcad Badeed?????????????

Wararka naga soo gaaraya magaalada hobyo ee gobolka Hobyo ayaa sheegaya in dagaal culus  uu galabta halkaasi ka dhacay dagaalka oo sida wararku sheegayaan dhex maray xoogaga ka tirsan Maxaakiimta islaamka iyo kooxo burcad badeed ah ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii kooxo burcad badeed ah oo mudooyinkaanba markab ganacsi ku haystay xeebaha  ka ag dhow Hobyo  ay maanta sii daayeen markabkii kadibna  soo aadeen  Xeebta Hobyo ayagoona gudaha u galay magaalada Hobyo waxaana durba magaalada Hobyo soo gaaray ciidamo ka tirsan Maxaakiimta oo ka soo ruqaansaday deegaanka Xarar dheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka  oo socday mudo saacado ah ayaa la sheegayaa in mid kamid ahaa  Burcadii    iyo  Maxaakiimta ay ku  geeryoodeen israsaasaynta halka mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray, kasokow qasaaraha dadka deegaanka Hobyo waxaa adag in la ogaado qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay dhanka isgaarsiinta Hobyo oo adag owgeed

ila muhiim ah oo ku sugan deeganka  Xarar dheere ee gobolka Mudug ayaa hobyoradio usheegay in labada dhinac  ee Burcad badeedka iyo xoogaga Maxaakiimta soo gaaray dhimasho iyo dhaawac hase yeeshee aan tirdooda la xiqiijin sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka tirsan Buracad badeekii  gacanta lagu dhigay ayna Maxaakiimtu la aadeen dhanka degmada  Xarar dheere.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ku aadan dagaalka oo masu’uliyiinyta Galmudug iyo gobolka Hobyo  ka soo baxay.

 

Cabdalla M.Cabdulle 
Hobyoradio Gaalkacyo
Galmudug State SOMalia
Mobail:0025290752260
Cabdalla45@hotmail.com

 

 

Muqdish iyo Maanta

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com