![]() |
||
|
|
||
|
Shirweynihii Bandiiradleey oga socday goloyaasha Galmudug oo lasoo gaba gabeeyay.
May,22,2007 www.Hobyoradio.com
Shirweynihii Bandiiradleey oga socday goloyaasha Galmudug oo lasoo gaba gabeeyay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Max'ed Salaad Du'aale
Kusimaha Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed
Madaxa Golaha Amniga Col. Xabeeb iyo ku xigeenadiisa Shirweynihii 3aad ee golayaasha Galmudug oo ka furmay Bandiiradleey 18-May-2008 ayaa lasoo gabagabeeyay ayagoo ay kasoo qayb galeen Golaha Baarlamaanka, Golaha Dahaqanka,Golaha Wasiirada, Golaha Marjaca,Gudiga Amniga, Gudiga Maaliyada, Gudiga Garsoorka, Haweenka iyo Jaaliyada Dibada. Shirkan oga socday golayaasha Galmudug degmada Bandiiradleey mudada 4 maamood ah ayaa looga arinsanayay arimaha Amniga iyo Nabadgalyada, Kobcinta Dhaqaalaha, Hirgalinta Mashaariicda, Horumarinta Degmooyinka hoos yimaada Gobolada Mudug iyo Hobyo. Qodobadii kasoo baxay shirka Shimbiraale ee degmada Bandiiraleey oo is Afgarad ku dhamaaday.. 1- Adkaynta Nabadgalyada iyo Amniga 2- Kobcinta Dhaqaalaha 3- Ilaalinta Canshuuraha 4- Hirgalinta Mashariicda 5- Horumarinta Demooyinka iyo Gobolada Golayaasha Galmudug ayaa 3 sadexdii biloodba mar ka tashada wixii maamulka lasoo gudboonaaday ayagoo soo bandhiga wixii u qabsoomay, wixii Caqabad ay la kulmeen iyo waxa ay u baahanyihiin tasoo ay ku kobcinayaan wax qabadka maamulka Galmudug State.
C/aziz Xashi Xogolof Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||