![]() |
||
|
|
||
|
Shirweynihii goloyaasha maamulka Galmudug oo degmada Bandiiraleey si habsami leh oga socda iyo Mudane Cisman Xasan Cali Caato oo ka qaybgalay.
May,20,2007 www.Hobyoradio.com Shirweynihii Sadexaad ee goloyaasha Galmudug ayaa ka socda degmada Bandiiraleey ayadoo uu shirka gudoominayo Gudomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Max'ed Salaad Du'aale. Shirkan oo furmay 18-May-2008 ayaa waxaa kasoo qayb galay goloyaasha Galmudug Golaha Baarlamaanka,Golaha Wasiirada, Gudiga Maaliyada, Gudiga Amniga, Gudiga Garsoorka, Golaha Marjaca, Golaha Dhaqanka iyo Jaaliyada dibada, Xilldhibaan Cisman Xasan Cali Caato. Maamulka iyo golayaasha Galmudug ayaa 3 Sadexdii biloodba mar ku shira geedka Shimbiraale ee degmada Bandiiradleey ayagoo diirada ku saara wixii u qabsoomay golayaasha Amniga, Maliyada iyo Garsoorka, Gudiga Amniga ayaa ka warbixiya xaalada ciidamada Booliska iyo malayshiyada uu tababarku oga socdo gaaska Galinsoor, sidoo kale Gudiga Maaliyada ayaa ka warbixiya misaaniyada iyo canshuurta soo gasha maamulka Galmudug iyo sida loo qosheeyay,warbixinta kadib ayaa la ansixiyaa kadibna waqyti loogu kordhiyaa shaqada. Dhanka kale Mudane Cisman Xasan Cali Caato oo dhawaan soo gaaray Galmudug ayaa ka qayb galay shirka Bandiiradleey asagoo oga waramay ujeeddada safarkiisa "" waxaan u imid inaan ka fuliyo mashaariic kala duwan Galmudug gaar ahaan Airportiga Hobyo iyo wadada dheer ee isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.
Cabdalle M. Cabdille Gaalkacyo, Galmudug State Of Somalia Mobail:0025290752260 Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||