Xildhibana Cismaan Xasan Cali Caato ayaa galinkii danbe ee shalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarun goboleedka Galmudug State.

May,19,2007 www.Hobyoradio.com

 

 

Mudane Cisman Xasan Caato  oo soo gaaray Gaalkacyo, Galmudug State

 

 

Xildhibaan Cismaan Caato Oo Gaalkacyo Soo Gaaray  xili lahdal hayo In Dekadda iyo Ariborka Hobyo Dayctir Lagu Samaynayo

Xildhibaanka oo ay Ariporka Gaalkacyo ku soo dhaweeyeen dadweyne badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug State ayaa magaalada ka degay guri loo qorsheeyay.

Xilsdhibaan Cismaan Caato oo mudooyinkaaba ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaan la ogayn imaatinkiisa Gaalkacyo waxa uu ku salaysanyahay in kasta oo uusan Mudane Caato wax war ah  warbaahinta ku saabsan  safarkiisa uu ku yimid  Gaalkacyo, hadana waxa ay ku soo beegmaysaa xili  la hadal hayo in  Ariborka iyo Dekadda  Hobyo ee Galmudug State lagu sameeyo dayctir balaaran maadama aysan in mudo ah wax shaqo ah ka socon.

Qorshaaan oo uu  Xildhibaan Cismaan Caato qayb weyn ka yahay ayaa sidoo kale war hor udhac ah oo shabakadda hobyoradio helayso waxaa ku jira xubno ka tirsan jaaliayadda Galmudug ee dibada ku nool  ayadoo qorshahana uu qayb ka yahay Shirkada Hobyo Development Company HDC oo ku tala jira inay dhisaan Airportiga Hobyo Islamarkaana ka hirgaliayaan Dhisme Guryo magalada Hobyo ee Dowlad goboleedka Galmudug State.

Waxaana  sida ay u sheegeen ilo xog ogaal ah warbaahinta hobyo xarunteeda Gaalkacyo masuuliyiinta hawshani wax ka wada ka mid ah  Maamulaha Shirkada HDC Cumar Maxmuud Rooble Cumar Suuri iyo C/aziiz Xaashi  {Xogolof} oo ka tirsan jaaliyadda dibada ee  Galmudug State.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhawaan soo gaaray gawaari badan oo iskugu jirta Tarelayaal xanbaarsan Cagaf Cagafyo sidana alaabo kale iyo waliba injineero loogu tala galay in ay ka hawl  galaan Ariborka iyo Dekadda  Hobyo oo hawshu dhawana ka bilaabanayo sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan hawl wadeenada shirkada Hobyo Developmenty Company.

 

Waxaa iyana qorshaha ku jirta in wadada  isku xirta magaalada Gaalkacyo ilaa Hobyo la dayac tiro islamarkaana dhisme jay ah lagu sameeyo, Waxaana arintaani hadii ay hir gasho ay noqonaysaa mid kaalin weyn ka qaadata hor’umarka deegaaanda dawlad goboleedka Galmudug State.

Deegaanada  Galmudug  ayaa waxaa kasocda Mashariic kala duwan sida dhisme Guryaha, Biyo galinta, korontada, Teleconationka, ayadoo maamulka Galmudug uu si weyn u sugay  Amniga guud ee gobolka Mudug iyo Hobyo..  

Cabdalle M. Cabdille

Gaalkacyo, Galmudug State Of Somalia

Mobail:0025290752260

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com