![]() |
||
|
|
||
|
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay israsaasayn ku dhex Martay rag hubaysan Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.
May,18,2007 www.Hobyoradio.com
2ba ruux ayaa geeryootay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Barqanimadii Saakay israsaasayn ay ku dhex Martay rag hubaysan Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.
Abaaro 9:30 ee barqanimadii saakay ayaa israsaasayn xoogani waxa ay dhex maratay rag hubaysan gudaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan baqaarada lagu dajiyo laguna kaydiyo raashinka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo. Sida dad goob joogyaal ah hobyoradio uga warameen tacshiiradda ayaa dhex maratay laba nin oo hubaysan sida la sheegayna uu soo kala dhex galay muran aan la sheegin waxa uu ku salaysan yahay oo raasaas xoogan isku furay waxaana rasaastu haleeshay ladabii nin mid ka mid ahaa iyo nin xamaaliga baqaarada raashinka oo aan goobta ka fogayn. Dhaawaca sedexda ruux oo loola caray isbitaalka weyn ee Galmudug Gaalkacyo ayaa waxaa durba dhaawacii u geeryooday laba ka mid ah dadkii dhaaca soo gaaray Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Dhoonbe Cilmi Dige oo ahaa nin si weyn Gaalkcayo looga yaqiinay kana mid ahaa ganacsatada magaalada Gaalkacyo. Waxaa isna isbitaalka ku dhintay mid ka mid ahaa xamaaliga baqaarada raashinka ee magaalada Gaalkacyo. Waxaana geerida labadaasi ruux hobyoradio u xaqiijaiayay qaar ka tirsan dhaqaatiirta isbitaalka guud oo aan qadka telefoonka kula xiriiray Waxa ayna dhaqaatiirtu sidoo kale noo xaqiijaiay in hada isbitaalka uu yaal dhaawaca mid ka mid ahaa 3qof oo saakay wax yeeladu ka soo gaaray is rasaasayntii ka dhacday bartamaha magaalada Gaalkacyo Ma ahan markii ugu horaysay oo fal noocaan ah uu ka dhaco gudaha magaalada Gaalkacyo ayadoona inta badan falalkaan ay yihiin kuwo ku soo laa laabta magaalada loona aanaynayo muranada dhex mara shaqsiyaadka kadibna keenta gacan ka hadal dhimasho iyo dhaawac keena
Cabdalla Max'd Cabdille Hobyoradio Galkacyo,GalMudug State,of Somalia, Mobail:0025290752260 Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||