|
Munaasabad lagu maamuusayay maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ayaa maanta Kadhacday Xarunta Maamul Gobaledka Galmudug Ee Magaalada Gaalkacyo.
May,15,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,15,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso
Munaasabad lagu maamuusayay maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ayaa maanta Kadhacday Xarunta Maamul Gobaledka Galmudug Ee Magaalada Gaalkacyo.
Halgame Cabdullahi Ciise Max'ed


Sanad Guuradii 67 Ee Kasoo Wareegtay Xiligii la aas aasay Urur Soomaaliyeed kaasi oo lagu magacaabay Ururkii SYL 1943 Ayaa munaasabad lagu maamuusayo Maantay Waxa ay kadhacday Magaalada Gaalkacyo Ee Galmudug.
Munaasabadaan ayaa Waxaa soo Qaban Qaabiyay Dhalinyarada Galmudug Ayagoona ay goobjoog ka ahaayeen Dhalinyaro aad U Farabadan oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal Ayadoona sidookale ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiin Kasocotay Dawlad Gobaledka Galmudug iyo Shaqsiyaad kamid ah Halgamayaashii Soomaalia Soomaray.
Masuuliyiintii Galmudug ee Munaasabadaan Goobjooga ka'ahaa Ayaa Waxaa kamid ahaa Duqa Dagmada Gaalkacyo Siciid Salaad Cilmi {Siciid Bul Bul}, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Faarax Bare, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo dhaqanka Abshir Maxamed Aadan, kuxigeenka Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ahna Afhayeenka Galmudug Axmed Maxamed Xasan {Axmed Baasto} iyo Masuuliyiin katirsan Maamul Gobaledka Galmudug.
Ugu horayn Waxaa munaasabadaas kahadlay duqa Dagmada Gaalkacyo Ingineer Siciid Salaad Cilmi{Siciid Bul bul} waxaana uu yiri"waxaana aad ugu faraxsanahay munaasabadaan maanta lagu maamusayo maalintii dhalinyarada ee 15 may waxanaa u malaynayaa in aytahay maalin aad ugu weyn shacabk reer galmudug maadaam 13kii dhalinyaro ay ahaayeen kuwii soohooyey Xuriyada aynu maanta harsanayno
Sidookale waxaa isna kahadlay goobta Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mdane Xasan Faarax Bare kaasi oo sheegay in kamaamul ahaa ay warwaba u taaganyihiin in ay xusaan maantoo kale
Sikastaba ha haatee munaasabadaan maanta ayaa imaanaysa xili wadanka somaliya konfurtiisa iyo bartimihiisa ay kajiraan dagaalo

 
|