Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Musharaxa madaxweynaha Galmudug G/lle sare Cali-Baashi Mohamed Haji Cumar Fiqi

May,10,2012 www.Hobyoradio.com

الرحيـــــم الرحمــــن اللــــه بســـــم 

Musharaxa madaxweynaha Galmudug G/lle sare Cali-Baashi Mohamed Haji Cumar Fiqi

G/LLE  SARE CALI-BASHI MOHAMED HAJI CUMAR FIQI  WAXA UU KU DHASHAY MAGAALADA XARARDHEERE EE GOBOLKA MUDUG,BARASHADA QURAANKA  KARIIMKA WAXA UU KU QAATAY ISLA MAGALADAASI ,  KADDIB  WAXA KU QAATAY WAXBARSHADIISII DUGSIGA DHEXE EE MAADIGA MAGALADDA  MUQDISHO, DUGSIGA SARENA MAGAALADA BURCO EE GOBOLKA TOGDHEER OO KA DHIGTAY  (TECHNICAL INSTITUTE BURCO).

1970-1975 WAXA UU  TABABAR MILATARI KU SOO QAATAY MIDOWGA SOFYEETI OO UU KUSOO DHAMMEYSTAY  AKADEEMIYADA SARE EE CIIDANKA.

1975-1976 WAXA MAR LABAAD KU NOQDAY MIDOWGA SOFYEETI HALKAASOO UU KU SOO QAATAY TABABARRO KALE.

 1976 NOVEMBER WAXA UU U WAREEGAY QEYBTA 26AAD EE CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED  EE HARGAYSA; HALKAASOO OO UU MUDDO KA SOO SHAQEEYAY ILAA DAGAALKII 1977-1978 KA DHAMMAADAY.

1978 DAGAALII KADDIB WAXAA  LOO SOO BADDALAY WASAARADDA GAASHAANDHIGGA   HALKAASOO UU KASOO UU SOO QABTAY XILAL KALA DUWAN EE HOGGAAMINTA  WASAARADDA GAASHAANDHIGGA SOOMAALIYEED.

1985 WAXA UU QAATAY GAASHAANLE SARE HALKAASOO UU KA GAARAY DARAJA CIIDANKA XOOGA DALKA SOMAALIYEED ASAGOO KAMID AHAA SARAAKIISHA LOOGU  QADARINTA BADANYAHAY  CIIDANKA.

1985 WAXA UU  NOQDAY  XOGHAYAHA  WASIIR XIGEENKA WASAARADDA GAASHAANDHIGGA  AHNA ABBAANDUULAHA XDS.

1988-WAXA UU NOQDAY MADAXA HOGGANKA SAHANKA IYO NABAD GALYADA WASAARADDA GAASHAANDHIGGA (CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED).

1991-2001 BUR BURKII DOWLADII SOMALIA KADIB WAXA UU USOO BAXAY DHANKA QURBAHA OO UU ILAA IYO HADA KU NOOLYAHAY  MAGALADA LONDON EE  DALKAASI ENGLAND

 

KU TALO GALKA BARNAAMIJKA HORUMARINTA DOWLAD    GOBOLEEDKA GALMUDUG EE 2012-2015 OO KOOABAN

     BARNAAMIJKANI WUXUU U QAYB SAMI DOONAA SADDEX WAJI:

1.       QODOBBO MUHIIM AH OO SI WADA JIR AH DOWLADDU U FULINEYSO  SI XILLIYEYSAN SADDEX BILOODLE AMA LIX BILOODLE.

2.       QODOBBO AY FULINAYAAN WASAARADUHU OO SHAQADOODA KHUSEEYA

3.       QODOBBO DHAMMEYSTIR AH OO LA SOCDA HOW MALMEEDKA  DOWLADA IYO BULSHADA GALMUDUG.

HADDII ALLA IDMO WAXAAN SI HAGAR LA’AN AH WAX UGA QABAN DOONAA AMNIGA IYO AMMAANKA, BAADI GOOBKA U HOWLGALKA  MIDNIMADII TAARIIKHEED EE BULSHADA GALMUDUG, DHISMAHA IYO DIB U HABEYNTA MAAULKA IYO XAAFIISYADA DOWLADDA, WAX KA QABASHADA CAAFIMAADKA, WAXBARASHA ASAASIGA AH ILAA JAAMACADAHA  OO MEEL LAISLA DHIGO MAAMULKOODA IYO MANAAHIJTOODA, HORUMARINTA REER MIYIGA , DARYEELKA MASAAKIINTA , CURYAAMIINTA, AGOONTA IYO INTA TABARTA DARAN.

 WAXAA ISBADDAL TIRO  IYO TAYEEYN LAGU SAMEYN DOONAA CIIDAMMADA QALABKA SIDA SI AY U HANTAAN AMNIGA GUUD IYO AMMAANKA BULSHADA; WAXAA  LOO SAMEYN DOONAA SHURUUC IYO NIDAAM  U GAAR AH, KORNA LOO QAADI DOONAA NOLOSHOODA WAXAA KALOO LOO DHISI DOONAA QAAB CASRI AH OO LA JAAN QAADA CIIDAMMADA KA JIRA CAALAMKA WAXAANNA RAJEYNAYAA IN AY NOQDAAN CIIDANKA UGU MUUQAAL,NOLOL IYO TAYO WANAAGSAN;  ARRIMAHAASINA WAXAY KA MID YIHIIN WAXYAABAHA KHHASKA II AH OO AAN SHAKHSIYAN UGU HOWLGALAYO.

DHISMO GOBOLLO, DEGMOOYIN IYO BEELO OO LOO DHAMMEYSTIRO QAABABKA DHISMAHA URURRADA BULSHADA SI AY NOO AFGARTAAN SAMAFALAYAASHA ,DEEQBIXIYAYAASHU IYO DOWLADUHU.

DOWLADDU WAXAY XIL ISKA SAARI DOONTAA SII AMBAQAADKA , DIB U HESHIISIINTA, NABADEYNTA , IYO WAX WADA QABSIGA DHAMMAAN  QABAAILKA WADA DEGA IYO MAAMULLADA HADDA JIRA SIDA XIMAN IYO XEEB,  PUNTLAND IYO DHAMMAAN BEELAHA DARISKA AH; WAXAYNA SI DHAB AH UGU HOWLGALI DOONTAA SII BALLAARINTA GALMUDUG STATE.

U HOWLGALKA  DHAQAN GALINTA DEKADAHA IYO GAROOMMADA DOWLAD GOBOLEEDKA GAMUDUG.

XIL ISKA SAARIDDA IYO MEEL MARINTA NABADGALYADA SAMAFALAYAASHA, DEEQ BIXIYAYAASHA, SAFAARADAHA, MAAL GALIYAYAASHA AJAANIBTA AH IYO WIXII LA MID AH.

 ABAABULKA IYO SII XOOJINTA GOLAHA ODAYAASHA DHAQANKA  SI  LOO SOO CELIYO TALADII IYO TOWFIIQDII  WAXAANNA RAJEYNAYAA IN AY HELI DOONAAN MUDNAANTOODA  XAGGA NOLOSHA  IYO MEELO AY KU SHAQEEYAAN KUNA NASTAAN.

DHIIRI GALINTA JAALLIYADAHA DIBADDA OO KA MID NOQDA DOWLADDA QEYBNA KA QAATA XAGGA HORUMARINTA.

GABDHAHA AQOON YAHANNADA  IYO WAAYA ARAGGA AH OO KA MID NOQDA DOWLADDA MUSTAQBALKA IYO WAXQABADKA GUUD EE GALMUDUG.

FARIISINTA IYO DIB U HABEYNTA URURRADA BULSHADA SIDA URURKA HAWEENKA, DHALLINYARADA, SHAQAALAHA SI LOOGA WADA QEYB QAATO HORUMARKA WAAYAHA CUSSUB.

DHIDIBBA U TAAGIDDA XORRIYADDA SHAKHSIGA AH, SUXUFIYIINTA IYO SAXAAFADDA XORTA WAXAANA LAGU WADA SHAQEYN DOONAA NIDAAM GAAR AH OO DHALIYA WADA SHAQEYN SI LAISAGA  ILAALIYO CABBURINTA IYO MARIN HABAABINTA.

DHIIRI GALINTA GANACSIGA DHOOFINTA IYO SOO DAJINTA, MASHAARIICDA IYO WARSHADAHA GAAR AHAANEED ARRIMAHAAS OO AY ISKA KAASHAN DOONAAN WASAARADDA IYO RUGTA  GANACSIGA .

SI LOOLA DAGAALLAMO ISMAAN DHAAFKA ,FASAADKA, MUSUQMAASUQA IYO WAX ISDABA MARINTA WAXAA  MUDNAAN LA SII DOONAA AWOODDA MAXKAMADAHA WAXAANA WAAJIB AH IN XUKKUM KASTAA  SAL UU KU LEEYAHAY DUSTUURKA SHAREECADA ISLAAMKANA WAAFAQO   WAXAA KALOO LA DHISI DOONAA HANTI DHOWR  ILAALIYA HANTIDA QARAN. 

HORUMARITA DIINTA ISLAAMKA SIDA MASSAAJIDYADA ,DUGSIYADA QURA’ANKA, MAKTABADAHA KUTUBTA DIINTA IYO DHAQAN GALINTA SHAREECADA ISLAAMKA OO ASSAAS U AH DUSTUURKA IYO NIDAAMKA GUUD EE DOWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG.

SOOMAALI HANNOOLATO, DOWLAD GOBOLEEDKA GALMUG HA NOOLAATO OO HA MIDOWDO

Wabillaahi Towfiiq

G/lle sare. Calibashi Mohamed  Haji  Cumar Fiqi

alifiqi@hotmail.com

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|