Gudiga Darstuurka Dawlada KMG Soomaalia ayaa Sheegay in maanta Ay soo afmeereen Qoristii Dastuurka Dawlada KMG Soomaalia
March,9,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee March,9,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso
Gudiga Darstuurka Dawlada KMG Soomaalia ayaa Sheegay in maanta Ay soo afmeereen Qoristii Dastuurka Dawlada KMG soomaalia
Gudiga Dastuurka Dawlada KMG Soomaalia ayaa maanta Fadhi Kuyeeshay Gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Soomaalia, ayaa waxa ay kawarbixiyeen Kulamo Mudiiyinkii Ugu Danbeeyay Ugu Soconaya Qaar katirsan Mudanayaasha Baarlamanka Dawlada KMG Soomaalia.
Gudiga Dastuurka Dawlada KMG Soomaalia ayaa waxa uu ka koobanyahay 17 Xubnood, Gudiga Dartuurka Markii uu kulankooda Soo gabagaboobay ayaa Saxaafada Waxaa lahadlay Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Dastuurka Dawlada KMG Soomaalia C/Qaadir Sheekh Ismaaciil waxa uuna Sheegay in uu Soodhamaaday Arimihii Dasturka Dawlada KMG Soomaalia islamarkaana la isku afgartay in Shareecada Islaamka Lagu Dhaqo Dalka.
C/Qaadir Sheekh Ismaaciil Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Dastuurka Ee Arimaha Fadaraalka Dawlada KMG Soomaalia
Ayaa waxa uu Sidookale Tibaaxay in Dastuurkaan La Dhaqan galin doonin Inta ay Ka ogalaanayaan Bulshada Soomaaliyeed Goordhawna Loo Bandhigi Doono
Sikastaba ha ahaatee Kulankaan ay maanta Magaalada Muqdisho ay kuyeesheen Gudiga Dastuurka Dawlada KMG Soomaalia Ayaa Waxa uu Imaanayaa Xili Goordhaw Ay sheegtay Dawlada KMG Soomaalia Golaheeda Baarlamaanka
in Gudiga Dastuurka Ee Dawlada KMG Soomaalia lawaafajin doono Kudhaqanka Shareecada Islaamka.
Ibraahim Guudle Isxaaq
Hobyo Radio Magaalada Muqdisho


W/D Rooble Maxamed Diriir
rooble771@gmail.com
Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Glamudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

Daawo Video laga soo duubay
Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula
