Wafdi balaaran oo uu hogaaminaaya madexweynaha Dawalad Gobaleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa Maanta booqday Ispitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo

March,9,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee March,9,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Wafdi balaaran oo uu hogaaminaaya madexweynaha Dawalad Gobaleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa Maanta booqday Ispitaalka Guud ee  Magaalada Gaalkacyo


 

Wafdiga madexwenha ayaa waxaa ku wehliyay madax sar sare oo katirsan Dawlad Gobaledka Galmudug sida madexweyne Kuxigaanka Galmudug kudoomiye kuxigeenka koowaad ee baalaamka Galmudug iyo wasiiiro katirsan doowlada gobaleedka Galmudug.


 
 
Masuuliyiinta aya waxay indho indheeyeen buukaanada Kujira Ispitaalka oo ay kamid yihiin dad ku soo dhaawacmay dagaaladii Kadhacay deegaanka bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.


 
 
Intaasi kadib ayaa musuuliyiinta waxay kulan laqaateen madexda isbitaalka weyn ee koofuta magaalada Gaalkacyo oo ay Gacanta Ku hayso hayada MSF Holand.
 
 
Agaasimaha isbitaalka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Axmed ayaa kawarbixiyay marxaladiihii u soo maray Ispitaalka iyo sida lagu aas aasay ispitaalka Asagoo Mahad u Celiyay Madaxda Dawlad Gobaledka Galmudug.
 
 
Sidookale Madaxwayne Kuxigeenka Dawlad Gobaledka Galmudug C/samad Nuur Guuleed ayaa sharaxay waxa u salka ku haayo Booqashadooda asagoo Sheegay in ay U yimaadeen Dadka Walaalahood ah ee Ispitaalka Kujira.
 
 
Ugu danbeentii ayaa waxaa halkaasi kahadlay madexweynaha Dawlad Gobaledka Galmudug Maxamed axmed caalin waxuuna Boogaadin balaaran u jeediya maamulka isbiotaalka weyn ee koofurata magaalda gaalkacyo asooga baq nabadeed u soo jeediyay belaha waallaha ah ee ku dagaalamaya degaanka baced wenye ee Gobalka mudug.
 
 
Sikastaba ah ahaatee Waa markii ugu horeesay oo masuuliyiin kasacta Dawalad Gobaledka Galmudug ay booqdaan tan iyo intii Xilka Madaxtinimo uu Qabtay Madaxwaynaha Haatan talada Haya Maxamed Axmed Caalin
 


W/D Rooble Maxamed Diriir
rooble771@gmail.com
Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Glamudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay

Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com