Sarkaal Katirsan Ururka Xisbul Islaam oo Maanta Lagu toogtay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

March,9,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee March,9,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Sarkaal Katirsan Ururka Xisbul Islaam oo Maanta Lagu toogtay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho
 
Sarkaalkaan katirsanaa Ururka Xisbul islaam oo lagu magacaabo Bare Cali Bare ayaa lagu toogtay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho Xili uu Halkaasi Marayay ayna Toogteen Kooxo Bastoolado ku hubaysan waqti uu marayay Qaybta Sariflaha ee Suuqa Bakaaraha sida warbixinta Dilkiisu uu u xaqiijiyay Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Xisbul Islaam Sheekh Ibraahim Bare Cusmaan.
 
 
Sikastaba ha ahaatee Sarkaalkaan katirsanaa Saraakiisha ugu sar sareysa Ururka Xisbul Islaam ayaa Xili Barqanimadii maanta lagu toogtay Gudaha Suuqa Bakaaraha qaybta sariflaha waxaana halkaas ku toogtay kooxo dablay ah oo aan haybtooda lagaranaynin Dabadeedna halkaasi kabaxsaday kadib ayaa saraakiil katirsan Ururka Xisbul Islaam waxay soogaareen goobta uu Falku Kadhacay iyagoona halkaasi kaqaaday Sarkaalkii Halkaas lagu toogtay.
 
 
sarkaalkaan katirsanaa Ururka Xisbul islaam ee Maanta lagu Dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho ayaa horay ugu soohorjaystay Kubiiritaanka Sheekh Xasan turki uu Kubiiray Uruka Al Shabaab.
 
Bare Cali Bare Sarkaalkaan katirsan Ururka Xisbul islaam oo maata Toogasho laagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Horay u Sheegay inta uu geeriyoon in uu kabad baaday iskuday dil oo ladoonayay in asaga Lagu dilo.
 
 
Sikastaba ha ahaatee lama oga cida sida rasmigaa ugu danbaysa dilka sarkaalkaan katirsan Ururka Xisbul Islaam.
 
Ibraahim Guudle Isxaaq
Hobyo Radio Magaalada Muqdisho


 


W/D Rooble Maxamed Diriir
rooble771@gmail.com
Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Glamudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay

Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com