![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Gurmad Caafimaad ay Dhaqaatiirta Da'da yar u sameeyeen Barakacayaasha Dagan Ceelasha Biyaha ee magalada Muqdisho Daawo sawirada
March,5,2010 www.Hobyoradio.com
Gurmad Caafimaad ay Dhaqaatiirta Da'da yar u sameeyeen Barakacayaasha Dagan Ceelasha Biyaha ee magalada Muqdisho
Run ahaantii dhaqaatirta da’da yar waxaa la aas aasay 4 April 2007, laga soo bilaabo Maalintaas ilaa manta waxay ku guulesteen inay caawiyaan una sameeyaan gar gaar caafimaad in kabadan 52,123 bukaan oo isugu jira caruur, haween iyo dad waaweynba, dhamaan dadkaas oo dhan waxaa loosameeyey gurmadkii ay u baahnaayeen oo isugu jira Daaweyn, sheybaar iyo fiisito lacag la’aan ah, Hawshaan mutadawnimada ah waxay kusoobeegantay xili dadka soomaaliyeed ay dhamaan ama inta badan noqdeen kuwa barakacayaal ah oo aan awodin inay iska bixiyaan qarashaadka lagu booqda isbitaalada gaarka loo leeyahay, runtii taas ayaana keentay inaan arintaaan bilaabno anagoo aaminsan inay tahay waajib Diini ah iyo mid binaadan nimo inaan dadkeena Soomaaliyeed ooga faaidayno waxaa an usoobaranay.
Sida aad lawada socateenba, dhaqaatiirta da’da yar mar walbo waxay booqdaan meelaha ay isleeyihiin dadku waxay ubaahanyihiin gurmada caafimaad, Shalay oo taarikhdu ku beegneyd 4/3/10, Dhaqaatirta da’da yar waxay booqdeen una sameeyeen gurmad caafimaad oo isugu jira Daaweyn, Sheybaar iyo Fiisito Lacag la’aan ah shacabka dagan Ceelasha Biyaha, kuwaasoo runtii inta badan aan awoodin inay booqdaan xarumaha caafimaadka sasabobo dhaqaala xumo awgeed.
Gurmadkaas ayaa waxaa ka fa’iidaystay dad gaarayaa 410 bukaan oo 197 kamid ah dadkaas waxay ahaayeen caruur da’doodu kayar tahay shanta sano oo runtii aad iyo aad oola ildarnaa cudurada ku dhaco neef mareenka (Respiratory Tract Infection), Nafaqo daro iyo waliba Shuban biyood, runtii caruur badan ayaa shubanka aad oola ildarnaa. Dadka waaweyn oo aan aragnay inta aan gurmadka caafimaad sameenaynay maalintii shalay aheyd waxay aad oola ildarnaayeen cadurada ku dhaco Kaadi mareenka (urinary Tract Infection) iyo cudurada loo yaqaano Chronic Diseases oo uu kamid yahay Sonkorow, Dhiikar cuduradaasoo runti intabadan xiriir la leh stresska faradabadan oo heesta shacabka soomaaliyeed, sidoo kale dadka waaweyn waxay aad ola dhibanayeen cudurada loo yaqaano Post Traumatic Sress oo ah cuduro laxiriiro xaga dhimirka waayo dadka intabadan waxay hoy unoqdeen madaafiic tiro badan taasoo keentay inay dad badan ay kuwaayaan dad ay aad ujeclaayeen oo kamid ah qoyskooda iyo qaraabo ah, taas ayaana badisay inay cudurada dhimirka ay baryahaan aad noogu bataan. Gabagabadii hawlwadeenadii ka qeyb qaatay hawshii shalay waxay ahaayeen 11 dhaqaatiir, 7 Kalgaaliyaal, 3 sheybaaristayaal ah, 3 pharmacist, waxayna runtii gurmadkaas caafimaad noogu soodhamaaday si nabad ah. Dhamaan shacabka soomaaliyeed waxaan kacodsanaynaa inay nagala qeyb qaataan hawshaan baaxada wayn. Mahadsanidiin. Gudoomiyaha Dhaqaatirta Da’da yar SOYDA Dr. Abdiqani Sheikh Omar Best/regards Executive Director of SOYDA Dr. Abdiqani Sheikh Omar Mob.+252 1 5577282 Mogadishu, Somalia. dr.abdiqani@hotmail.com Somali Young Doctors Association (SOYDA) is federation of health Professional Medical Association representing Hundreds of Somali physicians worldwide. Acting on behalf of patients and physicians, the SOYDA endeavors to achieve the highest possible standards of medical care, ethics, education and health-related human rights and Health Care for all people
Daawo Video laga soo duubay Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||